Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Will Puntland be finished with Farole's 1 year ext? (NEW)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Will Puntland be finished with Farole's 1 year ext? (NEW)

Postby Southie4life » Wed Aug 10, 2011 5:50 pm

Puntland maka bad-baadi doontaa khilaaf danbe oo salka ku haya dastuurka? (Faallo qaybtii u danbeysey)

http://horseedmedia.net/2011/08/10/punt ... aadiyadda/

Ogeysiin: Waxaa jira websiteyo jeclaadey Qaybtii kowaad iyo Qaybtii labaad ee Faalladan ay Horseed Media soo bandhigtey ee taariikhdii la soo maray 2001 – 2009 iyo sida aan uga hadalney khilaafkii ka dhashey axdigii la dhigtey 1998-dii, haddaba kuwaasi ma aaney fulin habka xigashada saxda ah:

Waxay beddeleen cinwaankii maqaalka
Waxay keeneen sawir aan ka tarjumeyn faalladii
Waxay ka tageen halka ay ka soo xiganayaan

Waxaan uga digaynaa falka caynkaas oo kale ah mana ahan mid ku haboon xeerka saxaafadda, waana mid khilaafsan xeerka xigashada, waxaana tilmaamayaa cinwaanka ay u adeegsadeen faallada in uu yahay mid jaahwareerin ah.

Qaybtii Saddexaad

Qaybtii kowaad iyo Qaybtii labaad ee faalladan waxa ay arar iyo gogoldhig u noqon karaan qaybta saddexaad oo ah middd aad hadda akhrineysid isla markaana aan ku soo xireyno. Waxaan horey u soo qorney:

Dhismihii Puntland iyo axdigii 1998-dii
Khilaafkii ka dhashey qodobkii 34.2
Mowqifkii Guddoomiyaha Maxkmadda Sare
Taageeradii Isimadii soo jireenka ahaa ay siiyeen Guddoomiyihii Maxkmadda
Khilaafkaas wixii ka dhashey oo dagaal noqdey
Dhalashadii iyo heshiiskii Jamhadii GBP la gashey maamulkii Cabdullaahi Yusuf
Sida aan marna la isuweydiin wixii dagaalka keenay iyo guddigii loo xilsaarey oo aan waxba soosaarin
Dastuurkii dagaalka dhaliyey oo noqdey kan rasmiga ah iyo kudarsashadii baarlamaankii 2001 oo toos u hirgalay
Maxamed Cabdi Xaashi oo loogu baaqey in uu doorasho qabto saddex bilood kadib markii uu la wareegay xafiiska Madaxweynaha
Doorashadii Cadde Muuse iyo sida uu u qabtey doorashadii Puntland 2009 isla markaana aanu malin ugu darsan xukunka

Qaybahaas kala duwan waxaan ku falanqeyney labadii qaybood ee hore, hadaba qaybtan oo ah mid khuseysa waqtiga maanta la joogo iyo mustaqbalka ayaa noqon doonta midda biya dhaca sheekada.

Doorashadii Puntland 2009

Doorashadii Puntland 2009, waxaa si weyn ugu guuleystey Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Doorashadu waxay ahayd mid taariikhi ah si nabad ah ku dhacdey, cododbadan uu helay Madaxweynuhu, isla markaana si nabad ah oo wanaagsan uu xilkii u wareejiyey Madaxweynhii doorashada looga adkaadey Gen.Cadde Muuse, waxaana ay Puntland u horseeday sumcad iyo ixtiraam ay ka hesho qaybaha kala duwan ee Soomaalida iyo beesha caalamka dhamaanteed, isla markaana waxay muujisey in reer Puntland ay yihiin dad bisil oo nabadda jecel.

Madaxweyne Faroole waxa uu dhaxley maamulkii ka horeeyey oo xaajadu ka kala yaacdey, waxaa kale oo uu dhaxley ukumo maamulkii hore dhamaadkiisi dhashey, isla markaana ku qarxey maamulkiisa

Suurtagal maaha in faalladan aan ku soo koobno maamulkii Faroole waxa uu qabtey, axa uu ka gaabiyey iyo caqabadaha hortaagan, lakiin muhimadda qoraalkani waa in aan jawaab u helno su’aasha maqaalku wato ee ah Puntland maka badbaadi doontaa khilaaf danbe oo dastuurka salka ku haya?.

Maamulka Madaxweyne Dr.Faroole sida uu ballan qaadey khudbadii doorashadiisi, ee ahayd in uu dalka ka hirgalinayo nidaamka xisbiyada badan weliba sanadkii markaas lagu jirey ee 2009 uu sheegay in ay hirgelinayaan, ayaa isla sanadkaas qaadey talaabooyin muhim ah, waxaa uu golaha wasiirada ku soo daray Dr.Jimcaale Wasiiru dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka, kaas oo shaqada ugu badan ee uu qaban doono ay tahay hirgelinta dasuurka iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland.

Dib u eegistii dastuurka

Isla sanadkii 2009 waxaa lagu guuleystey in dib u habayn lagu sameeyo dastuurkii qabyada ahaa ee muddada dheer soo jiitamaayey, waxaana guddiga dastuurku ka beddeleen meelo badan, waxaana ka mid ah meelaha la beddelay muddada Madaxweynaha Puntland oo noqon doonta shan (5)sano, halkii ay markii hore ka ahayd afar (4) sano, inkasta oo taladan ay iska lahaayeen guddigii hore ee Cadde Muuse dhisey waqtigiisi, waxaa kale oo jira meelo kale oo laga baddalay oo ay ka mid tahay muddada Madaxweynuhu dalka ka maqnaan karo, qaabka ansixinta xukuumadda iyo qaybo kale.

Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyey dastuurkaas cusub 19 Dec 2009, waxaana ay sheegeen in si kumeelgaar ah isaga loogu dhaqmaayo tan iyo inta loo qaadayo afti dadweyne(Referendum) oo uu noqon doono dastuurka rasmiga ah.

Halkaas waxaa ku jiritaan beelay dastuurkii hore ee ay qoreen guddigii Gaagaab madaxda u ahaa ee sanadkii 2001-dii waxaana loo guurey dastuur cusub si kumeel gaar ah.

Guddiga Doorashooyinka, Calanka iyo Astaanta Puntland

Talaabooyinka kale ee muhimka ahaa waa samayntii calanka iyo astaanta Puntland, inkasta oo markii Puntland la dhisaayey Calan loo sameeyey, qofkii xusuusta waxa uu ku xardhanaa kuna dhejisnaa derbiyadii xeradii 54aad ee Puntland lagu dhisey laakiin maamuladii ka horeeyey Dr.Faroole midna arrintaas kuma talabsan in uu hirgeliyo.

Talaabadda kale ee horusocdka ah waa samayntii guddiga doorashooyinka Puntland taas oo la dhamaystirey 2 July 2011, waxaana guddigu iska dhexdoortey guddoomiye iyo ku xigeen.

Talaabooyinkaas oo dhan ayaa ah kuwo loo qaadey dhanka hagaajinta mamulka laakiin, xagee ayaa laga aadayaa halka maanta la joogo waa maxay qorshaha xukuumaddda madaxweye Dr.Faroole?

Qorshaha Xukuumadda

Madaxweyne Dr.Cabdiraxmaan Farole ayaa doonaya in uu ka gudbo buuro soo gudban oo raggii ka horeeyey ka gudbi waayeen, markastana waqtigu ku dhici jirey inkasta oo isagu kaga duwan yahay in uu qaadey talaabooyinkii uu uga gudbi lahaa, isla markaana u diyaar garoobey.

Qorshihii u degnaa xukuumadda ayaa wax badan iska beddeleen markaan tixraacno waraysiyadii uu Horseed Media siyey Wasuuru Dawlaha Dastuurka Dr.Jimcaale

Waxaana qorshuhu ahaa:

Magacaabista Guddiga Doorashooyinka Sanadka 2010
Diiwaangelinta codbixiyaasha Sanadka 2010
Afti u qaadidada dastuurka Sanadka 2011
Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan Sanadka 2011
Doorashooyinka golayaasha deegaanka Sanadka 2012
Guddiga doorashooyinka rasmiga ah Sanadka 2013

Marka laga yimaado dib u dhaca jadwalka waxaa jira waxyaabo badan oo iska baddalay qaabka la doonaayo in loogu gudbo nidaamka dimoqraadiyadda ee Puntland, waxaana kamid ah waxyaabaha is bedelku ku yimid : Marka la tixraaco waraysi uu bixiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland bishii Nofeenbar 2010 iyo Khudbadii Madaxweynaha Puntland ee magacaabista guddiga doorashada, waxaa labudba isku raceen in dastruurkan lagu ansixin doono shirweyne loo qabto qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland (Public Ratification) halkii ay ahayd in diiwaangelin dadka Puntland lagu sameeyo isla markaana afti loo qaado dastuurka (Referendum).

Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland ee bilowdey bishii Nofember sanadkii 2010 ayey ahayd in lagu dhiso guddiga doorashooyinka Puntland PEC, lama caddeyn sababta dib u dhigtey, waxaana kalfadhigii markii uu soo dhamaadey lagu sheegay in kan danbe ee sanadka 2011 looga hadli doono, maadama ay ku xiran tahay in Madaxweynuhu qaybtiisa soo dhiso marka hore, sabab iyo sabab la’aan waxaa cad in maamulku dib u dhacweyn ku ridey hawlaha isbedelka isla markaana isagu yahay midka waqtiga iska dilaaya.

Caqabadaha:

In diiwaan gelin lagu sameeyo bulshada ku dhaqan Puntland isla markaana afti (Referendum) loo qaado dastuurka waxay u baahan tahay dhaqaale xooggan, caqabadaha horyaala waxaa ugu waaweyn, shacabku waa hubeysan yahay, goboladii qaar ayaa maamulo kale ka taliyaan, xaaladda nabagelyo maaha mid sugan oo la isku halayn karo, Shacabku maaha mid yaqaana nidaamka xisbiyada badan ee waxay yaqaanaan nidaamka beelaha.

Waxaa suurto gal noqon karta in la isugu yeero bulshada qaybaheeda kala duwan Shir isla markaana loo bandhigo dastuurka laguna ansixiyo nidaamka ah (Public Ratification), laakiin arrintaas ayaa yeelan karta natiijo iyo miro aan wanaagsanayn (Negative Impacts), waxaana ugu horeeya, dadka la isugu yeerayo yaa masuuliyadeeda leh oo soo xulaaya, ma xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa soo xulaaya, ma guddiga doorashada ayaa soo xulaaya, ma hay’adda Inter Peace ayaa ka musuul ah, mase yihiin kuwii saxda ahaa ee bulshada metalaayey.

Maxaa ka dhalankara ansixinta dastuurka?

Dastuurka Puntland ee baarlamaanku ansixiyey dhamaadkii sanadkii 2009, weli maaha mid dibadda u soo baxay ama loo bandhigey dadweynaha Puntland, dadku ma oga waxa ku qoran dastuurka, waxaana qaarkood aaminsan yahay in uu yahay dastuur nin samaystey, ka hor inta aan la guda gelin dastuurka waxaa muhim ah in uu gaaro bulshada oo dhan isla markaana ay bartaan waxa ku qoran.

Dadku waxa ay isweydiiyaan Madaxweynuhu xilka hal sano ayuu ku darsadey halkii ay ka ahayd in ay uga egtahay 08.01.2013 waxa uu ka dhigtey 2014. Waxaa xaqiiqo ah in dastuurka cusub ee aan weli helin kalsoonida shacabku uu qoraayo xilka Madaxweynuhu waa shan sano (5).

Madaxweyne Dr.Faroole waxaa lagu doortey dastuur markii la dooranaayey ee looma dooran dal iyo dad sharci la’aan ah, waxaana dastuurkaasi dhigaayey in xilka Madaxweynuhu yahay afar ( 4) sano, waxaana lagu dhaariyey sidaas.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah, haddii dastuurkan uu helo kalsoonida shacabka ma tahay arrintaasi mid khuseysa Madaxweynaha oo si toos ah uu xilkiisu u sii dheeraanayo muddo sanad ah oo kale sidii faa’iido uu helay, Sharciyqaano aan wax ka weydiiney arrintan waxay sheegeen in aysan dunida ka dhicin arrintan oo kale Madaxweynaha waqti ayaa lagu doortey, loona dhaariyey, shaqona waa loo igmadey, waxaana muddadaas cusub ay khuseyneysaa cidda isaga ka danbeysa ama isaga laf ahaantiisa haddii uu mar kale ku guuleysto. Waxaa xilka u dheerayn kara waa Baarlamaanka oo haysta kalsoonida shacabka, taasina maaha mid dastuuri ah, Waa dhici kartaa in sharciyaqaano kale ay qabaan aragti taas ka duwan.

Waa halkan halka sida tooska ah u khuseeya cinwaanka faalladan saddexda qaybood ka koobneyd, waana arrin dastuuri ah, waa fasiraad ay isku khilaafi karaan sharciyaqaanadu, gundhiga khilafkuna uu noqon karo ku darsasho maaha ee dastuur ayaa laga guurey oo mid kale oo ka duwan loo guurey, waxaana lagu ansixiyey, shirweyne ay ka soo qaybgaleen bulsha weynta Puntland(Public Ratification), arrintuna ay noqoto mid sharciga salka ku haysa.

Maxaa ka dhalan kara arrimahan?

Muddadii lagu doortey Madaxweyne Dr.Faroole waxaa ka dhiman sanad iyo afar bilood ama 16 bilood iyo maalmo, waxaa laga guurey dastuurkii hore waxaana loo guurey mid cusub oo aan weli oggolaansho shacab haysan, waxa uu dhigayaa in Xisbiyo lagu tartami doono, Xubnaha Baarlamaanku doorasho ku imaan doonaan, halkii beeluhu iska soo xuli jireen, waxa uu dhigayaa in Madaxweynuhu doorasho shacab ku imaan doono halkii Baarlamaanku dooran jirey.

Hadaba arrimahaas oo dhan maku soo dhamaan karaa 16 bilood gudahood, xitaa haddii lagu daro halka sano ee la sheegayo in aysan suurta gal ahayn ayaa muuqata, arrintuna noqot laba daran mid dooro, marka la eego dhaqaale xumida dalka ka jirta, isbedelka siyaasadeed ee sida dabaysha u socda ee Soomaaliya ka taagan, beelaha hubeysan ee coladdu ka dhexayso, degmooyin aysan suurta gal ka ahayn in doorasho ka dhacdo dadkeedina saami ku leeyihiin Puntland, doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ee foodda inaku soo haya.

Dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara waxaa kamid ah shacabka oo aan aqoon u lahayn nidaamka xisbiyada badan, waa dad isirkoodu Soomaali yahay qabiilkuna waxkasta kala weyn yahay, waxaa dhici karta in tartanka xisbiyadu nidaam beeleed isu beddelo, sida hadda ka taagan Xisbiga UCID ee Somaliland oo guddoomiyihii la sheegay in xilku ka dhacay uu hadda ciyaarayo turub beeleed.

Sida uu dhigaayo xadiith nebigeeni laga weriyey (NNKH)” Muslimiintu waa wixii ay ku balameen” Haddii maamulku isku dayo in uu ku darsado muddo aan intiisi ahayn, waxay leedahay cawaaqib aan wanaagsanayn, waxaana horey loo soo arkey miraha ka dhasha in uu yahay bur-bur iyo kala tag, waxaana wax walba ku hagaagayaan in bulshadu ay ku qanacsan tahay, xitaa ku darsasho ha noqoto haddii ay doonto.

Xalku waa maxay?

Maahmaah ayaa dhigeysey ”Ka hortagu waxa uu ka fiican yahay daaweynta cudurka”, waxa soo socda haddii aadan ka fekerin berri ayaad gondahaaga ka helaysaa. Xalku maaha mid sahlan oo ah iska soco ku imaanaya, xalku kuma jiro in nidaamkii 66 nin ay lahaayeen masiirka Puntland loo noqdo, inta badan shacbka Puntland waxay doonayaan in codkooda ay dhiibtaan doorasho xalaal ah (Free and fair election) ay dhacdo, haddaba si aysan rajadoodu u hungoobin waxaa loo baahan yahay mamulka hadda jira in uu magacaabo guddi khibrad iyo aqoon leh oo madaxbanaan isla markaana ka talo bixiya sida Puntland uga gudbi karto xiligan adag isla markaana ay u heli lahayeen shacabku dawlad ay iyagu soo doorteen.

Maxay tahay Dawladda dimoqraadiyadda ku dhisan ee aynu u baahan nahay?, waa mid caynkee ah?, xal ma u noqon kartaa beelaha kala duwan haddii hal beel Baarlamaanka iska buuxsio doorashona ku yimaadaan?, ma u baahanahay Dimoqraadiyad beelaysan, iyada oo beelo wax lagu qaybsadey haddana la tartamaayo sidii doorashadii Somaliland ee baarlamaanka sanadkii 2005-tii, waa in uu jiraa khubaro wax iska weydiisaa arrimahaas.

Si loo helo xal isla markaana looga talaabsado caqabadaha muuqda waxaa loo baahan yahay in uu jiro Xisbaatan (Accountability) Waxaa dhab ah in Puntland ay ka maqan tahay xisaabtan iyo wax isweydiin dhab ah Xildhibaanada baarlamaanku yaa la xisaabatamaya yeysa la xisaabtamayaan, xukuumadda yaa la xisaabtamaya, Madaxweynaha yaa la xisaabtamaya waa arin muhim ah maamul wanaagana gundhig u ah, waxaana caddeyn ku filan in taasiba meesha ka maqan tahay su’aalihii Xildhibaan Indhabuur iyo jawaabtii ka dhalatay.

In Puntland ka gudubto caqabadaha horyaala, waxay u baahan tahay Karti, Dhaqaale, Aqoon, Daacadnimo iyo Wadatashi, waxay u taalaa maamulka hadda jira sida uu arrinta u maareeyo, waxay tahay waajib saaran Baarlamaanka Puntland in aysan noqon kuwo rajobeel dadka ku rida 15 sano kadib, Nin ka mid ah kuwa sida weyn ugu kacsan maamulka Dr.Faroole oo aan kula kulmey Bosaso bishii May 2011, ayaan weydiiyey in uu wax amaan iyo wanaag ah u hayo maamulka Dr.Faroole wuxuu yiri ”waxaan ogahay haddii uu maanta baneeyo meesha qofka ku xiga isaga wuxuu helayaa meel wanaagsan oo uu wax ka bilaabo iyo maamul dhisan”. Waxaa muhim ah qofku wuxu dhisey in aanu dumin isla markaana ku ciyaarin masiirkii umadda ee uu talada wax kasiiyo Isimada, Waxgaradka, Aqoonyahanka ee aanu isku xirin xayndaab yar iyo koox dantooda gaar ahaaneed eegaya kuwaas oo bulshada u horseedi kara bur-bur.

Waxkasta oo lagu talaabsanayo, talaabo kasta oo la qaadayo ee ku aadan geedi socodka dimoqraadiyeynta maamulka Puntland iyo ka gudbida nidaamka beelaha waa in ay ku timaadaa wadatashi, iyo rabitaanka shacabka, isla markaana Isimada metala beelaha kala duwan yihiin mid ay guddoonsheen haddii maamulku waqtigii loogu talo galay ku soo dhameyn waayo hawlaha horyaala, haddii kale waxay horseedaysaa in la kala aamin baxo taas oo horseed u noqon karta fashil.

Gebagebo

Faalladan aan ku eegayney waqtiyaddii la soo maray ee siyaasada Puntland meelahaay ka dhasheen khilaafyadii la soo maray iyo mirihii khilaafka, sidoo kale waxaan muqaal dhab ah ka bixiney mirihii khilaafkii 2001 si aan loogu dhicin god horey loogu dhacay, nin door inookaga dhintey saaxiibo is jeclaana u kala irdhoobeen in aynaan hilmaamin wixii dhacay, ay inoo ahaato duruus la soo maray, qaar ayaa jira yiri waxaan waqtigaan oo kale in laga sheekeeyo maaha, ”Waayeel waa inaga oo aan isyeelyeelayn” haddaas ma Cirsankayeer iyo Guuroraac ayaan ka sheekaynaa wixii la soo marey miyeynaan tusaale ku qaadanayn,

Guul iyo baraare ayaan u rajeyn Puntland iyo guud ahaan geyiga Soomaaliya

Wabilaahi Tawfiiq

Ismail Hajid Said
Horseed Media

Afeef: Qoraalkan waxaa iska leh Horseed Media, cidkasta oo dooneysa in ay sii daabacan waa in ay oggolaansho weydiistaan Horseed Media, haddii kale xatooyo ayuu ku noqon.

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: Will Puntland be finished with Farole's 1 year ext? (NEW

Postby Southie4life » Wed Aug 10, 2011 5:55 pm

this is serious issue that Horseednet brought forward,,,one that the puntland section on somalinet does not want to discuss,,,,farole is planning on staying one extra year,,,,unlike the 2 past elections that were held on time,,,,farole is a man that has no problem destroying puntland in order that he gets his way,,,,his history is that of the serious oppurtunist that will do whatever it takes to make money,,,,he does not have the power to stay,,,,,but he can try and take over the capital,,,,,,,,,he needs to be stopped,,,,we need to voice or anger now,,,,,,this is a serious matter puntlanders,,,,,


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests