Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka wada tashiga ah uu dhici doono bisha Septembar.
Afhayeenka Xukuumadda Eng Yariisoow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkii golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir guddoominayay R/wasare C/weli Maxamed Cali looga hadlay Arimo ay ka mid ahaayeen Amaanka, horumarka ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho, Shirka wada tashiga iyo arrimo kale.
Yariisoow ayaa intaa ku daray in kulankii maanta warbixin looga dhageeystay Guddi heer Wasiirro ah oo soo booqday goobihii laga xorreeyay maleeshiyaadka Shabaab. iyagoo soo jeediyay tallooyin ku aadan in si deg deg ah loo dhiso maamullada dagmooyinka, waxaana arrintaasi loo xilsaaray ayuu yiri Wasaaradda arrimaha gudaha.
Sidoo kale waxaa kulankii maanta warbixin looga dhageeytay guddi heer wasiir ah oo uu ka mid ahaa wasiirka Dastuurka waxa ayna sheegeen in shirka wadatashiga la qaban doono 4 ta ilaa 6 da Sebtembar kaas oo ay ka qeybgali doonaan qeeybaha bulshada.
Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay heshiis lala galo shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magaccaabo Nile taas oo wasaaradda Waxbarashada ka caawin doonta dib u dhiska dugsiyada waxbarashadaa.



