Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

PM discussing (National Security Stabilization Plan (NSSP))

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

PM discussing (National Security Stabilization Plan (NSSP))

Postby Coeus » Mon Aug 22, 2011 10:30 am

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha

Image

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli
Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)).

Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Qaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska General Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigii dowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateen
diyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh ugu horseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadato hoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimaha
amniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayo xaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo. Kulankaas Naivasha
waxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socday waddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sare leh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inay
dhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, isla markaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kana codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyo golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah. Waxaa
dhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii Guddiga Wadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Kulankan JSC ayaa looga hadli doonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka laguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka ay goob joog ka ahaan doonaan.

Image
Image
Image
Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 41 guests