To the Somalis in North Europe, please take part in this unity conference that is lead by Farmaajo.
Spoiler: Farmaajo is also gonna announce his candidacy of the presidential election in 2012Dhamaan Shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norwayd iyo Waddamadda Dariska la ah waxaa la ogaysiinayaa inaay kasoo qayb galaan shir dhawaan ka dhici doona Magaaladda Oslo kaas oo loogu magac daray (Somali Hope Confrence.)
Shirkaan oo ah mid lagu baraarujinayo Dhamaan Shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan dunidda isla markaana aay kasoo qaayb gali doonaan dad badan oo kamid ahaa hormuudyaddii ugu dambeeyay ee wadaniyiinta Soomaliyeed.
Raysal wasaarihii Dhawaan Xilka Iska Casilay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kasoo qayb galaya shirkaan isla markaana halkaas qodbaddo kala gadisan kasoo jeedin doona.
Sidoo kale Qoraaga ama wariyaha wayn ee Amiin Caamir ayaa asna ka dhexmuuqan doona habeenkaas asagga ah ayaddoo halkaasina uu kaga warami doono arimo badan oo ku saabsan rajadda Soomaliya iyo kaalinta Saxaafadda.
Hoboladda qaayla dhaan iyo fanaaniin caan ah sidda Saado Cali Warsame iyo qaaybo badan oo Siyaasiyiin iyo wax garad uskugu jirra ayaa kasoo qaayb gali doona Shirkaan asagga ah.
Shirkaan oo ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah isla markaana laga qaban qaabiyo wadanka norwayd iyo guud ahaan qaaradda yurub ayaa waxaa si hagar la aan ah dhabarka ugu ritay marti galintiisa Ururka Sidda wayn u taageera shacabka Soomaliyeed ee Daryeel Relief and development organisation.
Hadaba waa goorma waana halkee meesha uu ka dhacayo shirkaan-
Waxaa uu dhacayaa maalinta Sabtida ah Taariikhduna tahay 10 bisha September 2011 Saacaduna waa 12:00 Duhurnimo Ilaa 18:30 fiidnimo hoolka Oslo Congressenter.




If you have any questions ask and call:
Karar Shugri Dhoomeey
Tell: 4798432061
email: Karar25@hotmail.com
Sidoo kale Ismaaciil Dheere: Tell.004796750302.




