Sarkaal Sare Oo Ka Tirsanaa Maleeshiyada Faroole Oo Caawa Lagu Dilay Garoowe Xili Ay Magaalada Ku Sugan Yihii Wafti Sare Oo Kasocda Dowlada KMG.
Garoowe: (Allssc):Kooxo hubaysan ayaa caawa fiidkii ku toogtay Sarkaal ka tirsanaa Maleeshiyada Faroole xili ay magaalada garoowe ku sugan yihiin Xubno Sare Sare oo ka socda Dowlada Faderalka.
Sarkaalkan oo ka tirsanaa maleeshiyada Faroole ayaa lagu magacaabi jiray Xirsi Jaamac Dhangad ayaa la dilay xili uu kasoo baxay Masjidka Timire ee Xaafadda Waaberi ka dib markii uu kusoo tukaday Salaadii Taraawiixda.
Maleeshiyadii Falka dilka ah gaysatay ayaa si tartiiba uga baxsaday goobta iyadoo xili dambe oo cawa ah ay maydkii qaadeen dadkii ka agdhowaa goobta uu falku ka dhacay.
Maleeshiayda Faroole ayaan cidi ka iman goobto uu dilku ka dhacay, midaan oo lagu saba beeyay Maleeshiyada Faroole oo mudoyinkan dambe aan la siin wax mushahaar ah.
Maxamad Faroole oo ah la taliyaha iyo khasnajihayaha Aabihiis C/raxmaan Faroole ayaa gabi ahaanba ka jaray Mushaharkii Maleeshaiyadooda kadib markii uu ku tilmaamay wax ma tarayaal aan mud nayn in Mushaharooyin lagu khasaariyo. waxaana uu gabi ahaanba soo reebay Ilaalada Yar ee ilaalisa Aabihiis iyo qayb ka mida Wasiirada u shaqeeya aabihiis.
Cismaan Qandala Allssc Garoowe Somalia.
Allssc@hotmail.com
Allssc2allssc.com
Info@allssc.com



