Sarkaal ka tirsan Al-shabaab
oo ka dhigay dhageysiga
idaacadaha, kuna tilmaamay
wariyeyaasha kuwo
riddoobay
Sabti, September 10, 2011 (HOL) —
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab
ayaa ku tilmaamay warbaahinta inay
yihiin kasoo horjeeda Al- shabaab una
xaglinaya gaalada, isagoo wariyeyaasha
ka shaqeeyana ku tilmaamay kuwo
diintoodii ka riddoobay.
Sheekh C/ qaadi Muumin, oo qaar ka
mid ah taageerayaasha Al- shabaab kula
hadlyay deegaannada ay ka taliyaan
ayaa sheegay in wararka ay baahiyaan
warbaahinta Soomaaliya iyo kuwa
calaamkuba ay yihiin kuwo been abuur
ah ayna xaqiiqada beenin doonto.
"Idaacadaha waa la dhageystaan, balse
wararka ay sheegayaan waa been,"
ayuu yiri Sheekh C/ qaadir Muumin,
isagoo si gaar ah u tilmaamay BBC-da ,
VOA-da iyo Raadiyo Muqdisho,
wuxuuna sidoo kale sheegay in kuwa
kale ee Muqdisho ku yaalla ay la mid
yihiin.
"Wariyeyaashoodu waa kuwo riddo ah,
qof dil ku xukumanna warkiisa lama
dhageysto," ayuu hadalkiisa daba-
dhigay isagoo sidoo kale sheegay in
suxufiyiintu ay ka mid yihiin dadka oo
ay riddoobi karaan.
Erayga riddo oo luuqadda carbiga ah
ayaa waxaa loo adeegsadaa qofka
markii uu diintiisa ka baxo, waxaana
inta badan ay Xarakada Al-shabaab
eraygan u adeegsadaan dadka ay u
arkaan inay kasoo horjeedaan
fikirkooda iyo mabda'a ay rumeysan
yihiin.
Sidoo kale, Sheekh C/qaadir wuxuu ka
hadlay dagaallada ka socda dalal ay ka
mid tahay Soomaaliya isagoo sheegay
inay yihiin dagaallo looga horjeedo
gaalada oo la doonayo in lagu xoreeyo
guud ahaan dunida oo ahaa goobo ay
muslimiintu lahaayeen.
"Waxaa laga yaabaa maanta in laga
qaxo goobo ay ka mid tahay Suuqa
Xoolaha, balse waxaa loo baahan yahay
in qof walba muslim ah uu ku fikiro
sidii dib loogu qabsan lahaa dhulalka
Islaamku ka talin jiray oo ay hadda
gaaladu haystaan," ayuu yiri Sheekh C/
qaadir.
Isagoo ka hadlaya dhalalka Islaamka
horay uga talin jiray ee hadda ay
gaaladu ka taliso ayuu sheegay inay ka
mid yihiin Moscow iyo New Dalhi oo
caasimado u kala ah dalalka Ruushka
iyo Hindiya.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in
Shiinadu aysan ka mid ahayn
Muslimiinta isagoo sheegay in nacaybka
ay Mareykanka neceb yihiin uu la mid
yahay nacaybka Kuubba ay neceb
tahay Mareykanka.




