As usual the al-shabaab sympathisers in this forum will reject the news article I posted. They will say is propaganda
Well I decided to re-post this news but this time from a SOMALI website. Also look how similar both articles are.
Faahfaahin ku saabsan dagaal G/Shabeelada dhexe ku dhexmaray Shabaab iyo shacab
Dagaal u dhexeeya ciidamada ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa maanta ka dhacay tuulo hoostagta degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada dhexe, kaasoo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in dagaalku ka dhacay deegaanka Miir-Taqwo oo ka tirsan Mahadaay, wuxuuna yimid markii ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen tuuladaas oo ay kaga shakiyeen in ay isku urursanayeen maleeshiyo deegaanka ah oo ka soo horjeeda.
Ugu yaraan iska hor-imaadkan waxaa ku geeriyooday saddex qof, tiro kalana way ku dhaawacmeen, dhanka Al-Shabaab waxaa khasaaro gaaray gaari Tikniko ah ayaa meel bohol ah kaga dhacay.
Dagaalkan iyo xiisado hore oo u dhexeeyey Shabaabka iyo dadka deegaanka waxay dabo-socdaan dil dhawaan Mahadaay loogu geystay laba dagaalyahan oo Al-Shabaab kamid ahaa, iyaguna ay dad kale dileen.
Mahadaay iyo deegaanada ku dhow-dhow xaaladoodu waa dhul colaadeed, bandaw ayaana degmadan saatran.
Haye, is it still propaganda?
