Page 1 of 1

Ashahaada la dirirka oo wereer ku qaaday Masaajid iyo dugsi

Posted: Sat Sep 24, 2011 10:21 am
by grandpakhalif
Maamulka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland ayaa kordhiyey weerarada joogtada ah ee dadka muslimiinta ah lagu bartilmaamedsanayo iyadoona hadda dagaalka ka dhanka islamka uu maamulkasi u wareejiyey dhanka masjidyada iyo meelaha kale ee lagu barto diinta islamka.


Wararka naga soo gaaraya magalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidanka Ashahaada la dirirka ah ee Puntland ay la wareegeen oo ay dadku ka kala cayriyeen qaar ka mid ah masjidyada caanka ah ee ay dadku ku cibaadeystaan iyo meelo kale oo ah dugsiyo lagu barto diinta islamka halkasi oo sida wararku sheegayaan ay ka dhigteen saldhigyo iyo xarumo kale oo u gaar ah.


Qof ka mid ah dadka deegaanka magalada boosaaso oo xalay la hadlay warbaahinta islamiga ah ee muqdisho ayaa sheegay in ciidanka ay si xoog ah ku galeen masjidyo lagu cibaadeysanayey iyo Meelo kale oo ay ku jiraan kolejyo lagu barto diinta islamka halkasi ay dadka ilaa hadda ka hortaagan yihiin sida uu qofkasi sheegay.


Waxaa uu intaasi ku daray qofkaasi in ay jiraan qafaal iyo xariga magalada ka socda oo loo geysanayo dadka muslimiinta ah ee sunada laga dheehankaro,masjidyada ay ciidanka gacanta ku dhigeen waxaa ka mid ah masjidka wayn ee la yiraahdo masjidka Cali suufi iyo meel kale oo Caruurta agoonta ah wax lagu baro sida uu qofkasi sheegayo.


Maamulka Faroole oo gacan saar toos ah la leh sirdoonka mareykanka iyo reergalbeedka ayaa xarig.qafaal,jirdil iyo tacadi kale ku haya dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaanada ay gacanta ku hayaan iyagoona qaarkood u gacan geliya dadkasi dowlada Itoobiya iyo gaalada kale,waxaana tani ay cabsi iyo qalqal xoogan ku riday dadka musliminta ah.



Maleeshiyadasi ayaa dilkii u dambeyey ku geystay labo wiil oo bartamaha magalada boosaaso ay ku dileen iyagoo la xiriirinaya waxa ay ku sheegeen argigixisada,maamulka faroole oo u jeedoyinka kaga gol leh raalingelinta danaha reergalbeedka iyo ka hortaga falalka amni daro ee ka jira deegaanadasi ayaa ku fashilmaya hadafkaasi waxaana maalin waliba ka dhaca boosaaso iyo magaloyinka kale weeraro qorsheysan oo lagu bartilmaamedsanayo madaxda maamulkasi.