Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby XimanJaale » Mon Oct 03, 2011 11:37 am

Somalia's military chief/leader Major General Cabdiqadir Cali Diini and AMISOM saraakil has come to Puntland yesterday, and they have agreed to sent 2000 AMISOM troops to Puntland.
Wafdi u Hogaminayo Taliyaha Ciidamada Somalia Gen.cabdiqadir Cali Diini iyo saraakil Amisom ka socota oo Puntland garay

Waxaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland ku sugan wafdi ka kooban 10 xubnood oo ka socda taliska ciidanka Amisom ee hawlgalka u jooga Muqdisho iyo saraakiil ka tirsan militariga DKMG ah.

Wafdigan oo Khamiistoo gaaray magaalada Garowe ayaa waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada militariga DKMG Gen C/qaadir Sheekh Cali Diini, waxaana xubnihiisa ka mid ah illaa saddex sarkaal oo ka socda ciidamada Uganda iyo Burundi ee hawlgalka Amisom ka tirsan.

Sidoo kale waxaa xubnaha wafdigan ka mid ah labo sarkaal oo Kenyan ah iyo dhakhaatiir la sheegay inay baaritaano caafimaad ku sameynayaan ciidamo la sheegay in Puntland laga qaadi doono si loogu soo tababaro Uganda.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa lagu micneeyey inay maamulka Puntland kala hadlayaan sidii loo meelmarin lahaa heshiis Puntland iyo DKMG ah ku gaareen in ciidamo ka tirsan Puntland loogu soo tababaro wadamada ay DKMG ka hesho deeqaha dhanka tababarada.

Warar hoose oo Shabakada Raxanreeb ka heshey ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in arimaha kale ee socdaalkan ku jira ay ka mid yihiin sidii ciidamo ka socda Puntland uga qeybqaadan lahaayeen weerar la doonayo in DKMG iyo Ahlusuna ay ku qaadi rabaan gobolka Hiiraan si looga sifeeyo ururka Al-Shabaan gobolkaasi gacanta dawladana loogu soo celiyo.

Imaanshaha wafdiga ka socda iyo saraakiisha militari ee DKMG ayaa ah markii ugu horeysay oo ay gaaraan deegaanada Puntland tan iyo intii uu bilawday hawlgalka Amisom sanadkii 2007. waxaana imaanshaha wafdigan laga qariyey warbaahinta sababo lagu micneeyey dhanka amniga.

Ma jirto war rasmi ah oo wafdigan iyo Puntland illaa hadda ka soo saareen kulamo ay saacadihii la soo dhaafay ku wada yeesheen labada dhinac xarunta madaxtooyada Garowe.

—————————
Faroole urges AMISOM to sent troops to Puntland, and AMISOM have accepted Faroole's request.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in laba kun oo askari oo Amisom ah ay imaan doonaan deegaanada Puntland, si’ay uga qeyb qaataan dhinaca amniga Puntland oo xilliyadii ugu dambeysay sii xumaanaayay.

Afhayeenka Cusub ee Maamul Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cumar Xersi “Libaax Joore”, oo warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in deegaanada Puntland ay imaan doonaan laba kun oo askari oo Amisom ah.

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in labada kun ay ka kala imaan doonaan wadamada Uganda iyo Burundi, isla-markaana wuxuu sheegay inay ku imaan doonaan amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/Raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”.

Mudane Axmed Cumar Xersi “Libaax Joorre”, ayaa wuxuu tilmaamay in deegaanada Puntland ay ku sugan yihiin saraakiil ciidan oo ka kala soco, Amisom iyo Dowladda uu hogaamiyo Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna sheegay in dhinaca ammaanka ay ka wada hadleen.

Libaax Joorre ayaa wuxuu xaqiijiyay in saraakiisha Amisom ay ogolaadeen baaq uu u horey ugu jeediyay Madaxweynaha Puntland, oo ku aadan in laba kun oo askari oo Amisom ah ay yimaadaan deegaanada Puntland, si’ay ammaanka uga qeyb qaataan.

Sidoo kale wuxuu xusay in Dowladda Uganda ay ogalaatay, in Ciidamadda Maamulka Puntland lagu soo tababaro gudaha dalka Uganda, isla-markaana wuxuu qeexay inay taasi si weyn u soo dhaweynayaan, ayna uga mahad-celinayaan.

Waa markii ugu horeysay oo uu Maamul Goboleedka Puntland sheego, in Ciidamadda Midowga Afrika ay imaan doonaan deegaanada Maamul Goboleedka Puntland, inkastoo aysan Puntland cayiman meelo gaar ah.
This is a great news for Somalia :up:

User avatar
greenday
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12366
Joined: Wed Jul 28, 2010 10:31 am
Location: Ruux bukaanka ku nacay, adoo bahan katagay....Ala barasho, barasho wacanaa!

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby greenday » Mon Oct 03, 2011 11:39 am

Dont they need to go to places like Kismaayo? Puntland is save mashallah :up:

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby damu » Mon Oct 03, 2011 11:39 am

Ma jirto war rasmi ah oo wafdigan iyo Puntland illaa hadda ka soo saareen kulamo ay saacadihii la soo dhaafay ku wada yeesheen labada dhinac xarunta madaxtooyada Garowe.

User avatar
Shirib
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 26911
Joined: Thu Oct 04, 2007 3:50 am
Location: May God grant us victory.

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby Shirib » Mon Oct 03, 2011 11:42 am

umm, this makes no sense. Why does Puntland need AMISOM troops?

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby XimanJaale » Mon Oct 03, 2011 11:43 am

Ma jirto war rasmi ah oo wafdigan iyo Puntland illaa hadda ka soo saareen kulamo ay saacadihii la soo dhaafay ku wada yeesheen labada dhinac xarunta madaxtooyada Garowe.
This was the first article. The meeting happened yesterday.

The second article talks about the outcome/result of the meeting. Which is 2000 AMISOM troops to come to Puntland :up:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby quark » Mon Oct 03, 2011 11:45 am

inShare.0Afhayeenka dowlada Puntland ayaa ka warbixiyey wefdi Saraakiil ciidan ah oo kasocda DKG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo beryihii u danbeey socdaal booqasho ah ku marayey deegaanda Puntladn.

Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) oo Warbaahinta Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa sheegay in ujeedada wefdiga uu hormuudka u yahay Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh cali diini ay Puntland u yimaadeen ay tahay sidii ay ugu kuur geli lahaayeen ammaanka gobolada Puntland.

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Axmed Cumar (libaax joorre) ayaa sheegay in mudadii labada beri ahaa ee ay wefidgaasi joogeen magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ay booqdeen xeryaha ciidamada qalabka sida ee Puntland iyo qaar kamid ah xarumaha dowlada.

Wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale intii ay magaalada Garoowe ku sugnaayeen ay aad ula dheceen xasiloonida ka jirta magaalada Garoowe , islamarkaana ay ku tilmaameen inay tahay mid ka turjumeysa sida ammaanka guud ee Puntland la isugu hallayn karo.

Wefdigan oo uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh Cali diini oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa Soomaaliya ka jooga ee AMISOM ayaa shalay gelinkii danbe gaaray magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaana halkaa ku soo dhoweeye Mas’uuliyiin uu kamid yahay Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland , Wasiiro , madax ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo.

Wefdigan Saraakiisha ciidan ka kooban ayaa inta ay magaalada Gaalkacayo ku sugan yihiin booqan doona xeryaha ciidamada Puntland ee ku yaalla magaalada Gaalkacayo iyo degaanada ku dhow dhow.

Afhayeenka Xukuumadda Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax joore) ayaa ugu danbayntii wax kama jiraan ku tilmaamay war ay qaar kamid ah Website-yada Soomaalidu soo daabaceen oo ah in ciidamo Amiso ka tirsaan la keeni doono Puntland , wuxuuna xusay in warkaasi uu yahay mid haba yaraatee aan sal iyo raad lahayn.Si kastaba ha ahaatee booqashada ay Wefdiga uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada DKG ah ee Soomaaliya ay ku yimaadeen Puntland ayaa ah mid salka ku haysa sidii loo xoojin xiriirka labada dhinac , iyo sidii ay ugu kuur geli lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida degaanada Puntland.

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby XimanJaale » Mon Oct 03, 2011 11:46 am

umm, this makes no sense. Why does Puntland need AMISOM troops?
While you were away in India, countless conflicts erupted in Puntland, wars, assassinations, explosions, clans fighting over wells, etc.

Faroole had enough and asked for AMISOM help for peacekeepers.

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby damu » Mon Oct 03, 2011 11:47 am

Ma jirto war rasmi ah oo wafdigan iyo Puntland illaa hadda ka soo saareen kulamo ay saacadihii la soo dhaafay ku wada yeesheen labada dhinac xarunta madaxtooyada Garowe.
This was the first article. The meeting happened yesterday.

The second article talks about the outcome/result of the meeting. Which is 2000 AMISOM troops to come to Puntland :up:
the meeting was about the somali reconciliation meeting about to take place in garowe
not about AMISOM deploying 2000 troops in PL!!


http://kismaayo24.com/?p=17527
what a unbiased source

:lol: :lol: :lol:
Last edited by damu on Mon Oct 03, 2011 11:52 am, edited 1 time in total.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby SahanGalbeed » Mon Oct 03, 2011 11:48 am

Anigu horta waxaan is idhi , maxaa ku dhex galiyay ba mareexankan iyo majeertenkan halkan isku lisaya .
Laakin , markaan dib isugu yara noqday baan haddeena is idhi , ciyaalka waddooyinka isku xag-xagta ba waad kala dhex gashaa e , bal yaanu halkan nacayb xaqqa kaa fogayn 8-)

It is either this
Sidoo kale waxaa xubnaha wafdigan ka mid ah labo sarkaal oo Kenyan ah iyo dhakhaatiir la sheegay inay baaritaano caafimaad ku sameynayaan ciidamo la sheegay in Puntland laga qaadi doono si loogu soo tababaro Uganda
or this
Libaax Joorre ayaa wuxuu xaqiijiyay in saraakiisha Amisom ay ogolaadeen baaq uu u horey ugu jeediyay Madaxweynaha Puntland, oo ku aadan in laba kun oo askari oo Amisom ah ay yimaadaan deegaanada Puntland, si’ay ammaanka uga qeyb qaataan
1/Ama Laba Amisom ah baa Puntland yimi si' askar reer puntland ah Xamar loo geeyo
2/ Ama laba KUN oo Amisom ah baa la soo wada .


sahangalbeed {peacemaker}
Last edited by SahanGalbeed on Mon Oct 03, 2011 11:50 am, edited 1 time in total.

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby tightrope » Mon Oct 03, 2011 11:48 am

FOCK TUUG-FG, FUCK AMISOM, FUCK SOMALIA! :evil:
DAMN FUFUS HAVE NO BUSINESS IN GALKACYO! DO YOU THINK CUMAR MAXAMUD AND LEELKASE WILL ALLOW THESE FUFUS TO COME TO THEIR CITY? I DON'T THINK SO!
FELLOW PUNTLANDERS NEED TO WAKE UP AND REALIZE SOMALIA/TFG DO NOT HAVE PUNTLAND'S INTERTEST AT HEART! THEY WANT TO DESTROY US!
LONG LIVE THE PUNTLAND REPUBLIC!

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby XimanJaale » Mon Oct 03, 2011 11:49 am

Ciidama Nabad-ilaalinta AMISOM Oo Puntland Kusoo Wajahan {Warbixin}
October 3, 2011 // Warar Somaali

Wefdi kasocda Dowladda Federaalka oo uu horkacaayo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed Gen.C/qaadir Sheikh Cali Diini iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Safarka Saraakiishaan ayaa ahaa mid Saxaafada laga qariyey oo aan lala socodsiin,waxaana lala xirririyey arimo ah oo ay kamid tahay u kuurgelid xaaladda Ciidamada Puntland iyo cutubyo kamid ah sidii loogu qaadi lahaa tababar dalka dibadiisa.

Hadaba waxaa soo shaac baxaaya arin hore shaki laga muujiyey oo ku aadan in Ciidamo kamid ah AMISOM la keeni doono degaanada Puntland si ay uga qayb qaataan arimaha amaanka.

Afhayeenka Dowladda Puntland Axmed Libaax-Joore oo la hadlay qaar kamid ah Saxaafada ayaa sheegay in labo arimood ay u joogaan wefdigaan,midka koowaad in ay u kuurgalaan sidii Ciidamo kamid ah AMISOM loo keeni lahaa degaanada Puntland oo ay ka howlgalaan iyo cutubyo kamid ah ciidamada Puntland tababar loogu qaadi lahaa dalka Uganda oo lagu tababaraayo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay tababarayaan Saraakiil ajnabi ah oo ay maalgelinayso Midowga Yurub.

Saraakiisha ayaa intii ay joogeen magaalada Garoowe waxay booqdeen Xarumaha Ciidamada ee Puntland sida Xerada caanka ah ee 54-aad oo ay deganyihin Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Afhayeenka ayaa beeniyey wararka ku saabsan in ay hor u dhac u yihin wejiga labaad shirka wadatashiga ee la filaayo inuu ka dhaco magaalada Garoowe ayna kormeerayaan xaaladda amaan.

Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Gen.C/qaadir Sheikh Cali Diini oo caawa la hadlay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in surtagal tahay in la keeno Ciidamada AMISOM degaanada Puntland hadii laga maarmaan ay noqoto,waxaana uu amaan usoo jeediyey Puntland sidii ay ilaaliyeen xeryihi Ciidamada Dowladdi hore ee Soomaaliya sameysay.

Waxaa uu ka gaabsaday inuu si qoto dheer uga warbixiyo waxyaabihi ay kawada hadleen masuuliyinta Dowladda Puntland,isagoo keliya xusey in ay iskusoo hadal qaadeen sidii looga wada shaqeyn arimaha amaanka dalka.

Ciidamada AMISOM ayaa xilligaan oo keliya ka howlgala magaalada Muqdisho iyagoo ku jooga 9,000-askari lana filaayo bilaha soo socda in ay gaaraan 12,000-askari oo lagu kordhin doono tiro dheeraad ah,mana haystaan awood ama Mandate ay ku howlgalaan meel ka baxsan Muqdisho.
http://puntlandnews24.com/ciidama-nabad ... -warbixin/

User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby tightrope » Mon Oct 03, 2011 11:49 am

Dont they need to go to places like Kismaayo? Puntland is save mashallah :up:
EXACTLY!

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12578
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby XimanJaale » Mon Oct 03, 2011 11:51 am

Anigu horta waxaan is idhi , maxaa ku dhex galiyay ba mareexankan iyo majeertenkan halkan isku lisaya .
Laakin , markaan dib isugu yara noqday baan haddeena is idhi , ciyaalka waddooyinka isku xag-xagta ba waad kala dhex gashaa e , bal yaanu halkan nacayb xaqqa kaa fogayn 8-)

It is either this
Sidoo kale waxaa xubnaha wafdigan ka mid ah labo sarkaal oo Kenyan ah iyo dhakhaatiir la sheegay inay baaritaano caafimaad ku sameynayaan ciidamo la sheegay in Puntland laga qaadi doono si loogu soo tababaro Uganda
or this
Libaax Joorre ayaa wuxuu xaqiijiyay in saraakiisha Amisom ay ogolaadeen baaq uu u horey ugu jeediyay Madaxweynaha Puntland, oo ku aadan in laba kun oo askari oo Amisom ah ay yimaadaan deegaanada Puntland, si’ay ammaanka uga qeyb qaataan
1/Ama Laba Amisom ah baa Puntland yimi si' askar reer puntland ah Xamar loo geeyo
2/ Ama laba KUN oo Amisom ah baa la soo wada .


sahangalbeed {peacemaker}
What does this news got to do with Mareexaan?

You have serious issues wallahi, do not bring qabyalaad into this thread :arrow:

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby quark » Mon Oct 03, 2011 11:53 am

walle somali websites are the most unprofessional i have ever seen :lol: they put 1+1 together and come out with 100

Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7528
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: 2000 AMISOM troops to be deployed in Puntland

Postby Nomand » Mon Oct 03, 2011 11:53 am

well puntlanders were behind the coming of the bantus to somalia in the first place so why not have a taste of their own medicine
Last edited by Nomand on Mon Oct 03, 2011 11:55 am, edited 1 time in total.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests