Sida uu shaaciyay afhayeenka maamul gobolleedka Puntland Axmed Libaax Joore waxaa degaannada Puntland ee amnidarada ay ka jirto la geynayaa ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.
Warar la isla dhex marayay beryahan ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole uu ka codsadayMidowga Afrika 2,000 askari oo ciidamada Amisom ah in la geeyo deegaanada Puntland kadib markii maamulka Puntland wax ka qaban waayay xaalada amni ee degaannada puntland oo beryahan dambe dilalka qorsheysan ay ku bateem.
Magaalada Garowe ayaa waxaa haatan ku sugan wafdi saraakiil ciidan ah oo gaaraya 10 xubnood kuwaas oo isugu jira saraakiil AMISOM ka socota iyo saraakiil ka socota dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo oo Khamiistii hore gaaray halkaas, ilamaa iyo haatanna jooga Garowe oo kulamo ay kula leeyihiin madaxda maamulka Puntland.
Afhayeenka Puntland oo markii ugu horeysay saxaafadda gudaha u waramay ayaa xaqiijiyay in ujeedada socdaalka wafdiga Amisom ee jooga Garowe ay tahay in ay indhadheeyaan xaalada amniga Puntland kadibna ay u gogol xaaraan ciidamo gaaraya 2,000 askari oo ka socda Uganda iyo Burundi oo la geynayo deegaanada Puntland., iyagoo indha indheynaya goobaha ciidamadaas la dejinayo.
Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=3886