A hutu KIngs favorite article.
Maxey diinta ka Qabtaa Hadii la dilo nin Shabaabka ka Tiran?
Asc,Marka hore waxaan u tacsiyeeynayaa dhamaan umadda islaamka ah ee somaliyeed ee murugada baaxadda leh heysato.waxaan leeyahay waan idin la qabaa xanuunka aad dareemeysaan.
Anigu ma ihi caalim diinta ku xeeldheer,balse waxaan ahay “baaxith” baara arimaha xarakaatka lunsan ee qaarkood ku dhacay kufriga sida alqaeda.
Marka hore diinta islaamka waa “diinul wisaadah” ama diin dhexdhexaad ah oo allah baa quraankiisa munazal ka ah ku oranaya. “ وَكَذَلِكَ جعلناك أمة وَسَطاً
””
oo runtii la diidayo inaad “taqsiir” ama ka gaabis aad ka gaabiso cibaadaadka alle swt.waayo allah subxaanu watacaalaa wuxuu inoo abuuray inaan asaga uun caabudno. Waxaana u daliil ah ayada suuratul aldaariyat ee oraneysa “ اوما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون “.
sidoo kale lama ogola inaad ku xadgudubto cibaadada alle SWT sida adigoo alle swt u caabuda si uusan asagu ku farina ma Nabiigeena Suuban SCW uusan noo sheegin.Ku xadgudubka diinta waxaa ka mid ah “Al-tacasub bi rayi,wal afkaar ,wal madhab” oo ah inaad ku tacasubtid waliba si indho la aan hal rayi,fikir ama madhab.waayo arintaasi waxey fureysaa albaabka khawaarijnimada oo markii danbe uu qofku ku halaagsamo.Hadaba markii aan u soo laabto arinta nimaanka la dhaho kawaarijta,ibnu kathiir-raximahullah-ayaa wuxuu kitaabkiisa la dhaho “البداية والنهاية” wuxuu ku leeyahay kitaabkiis “khawaarijtu waa kugu ugu yaabka badan ashkaasha bani aadamka ee allaha SWT abuuray”
axaadith farabadan ayaa ku soo aroortay khawaarijta oo uu nabigeenu noogu sheegayo Qatarta ay leeyihiin nimanka noocaas ah
khawaarijtu waxey hor dhac u yihiin soo bixitaanka masiixul dajaal marka ay soo dhawaato maalinta xisaabta.
Saxaabiga jaliilka ah ee saciid al-khudri hadiith saxiix ah uu nabiga ka soo wariyay ayaa nuxurkiisa oranayaa “axadkiin wuu xaqirayaa saladiisa marka loo eego salaadooda,soonkiisuna wuu xaqirayaa marka loo eego soonkooda,quraanka ayey aqrinayan mana dhaafayo luquntooda,diintana waxey ugu baxaan sida falaarta ay qaansada ugu baxdo”.waa yaab! War nimanka inaga salad badan,inaga soon badan haddan islaamku ehel u ma ahan!
Ayadoo dhiigu muslimka daadintii xaaraam tahay oon aan ognahay qofkii baneesta inuu yahay kaafir bilaahi alcaziim ayaa waxaa dhacday in ninmanka shaabaab ah ay baneeysteen daadinta dhiiga muslim ah ee ardadanii waxbarasho ku jirtay intay xasuuqeen haddana ku faanay war miyeeyna ku dhicin sifooyinka khawaarijta,waxaa waajib diini ah in la ciribtiro oo aan loo aabo yeelin.ninkii dagaalkooda ku dhintana waa shahiid,haduu ayagu dilana ajar weyn buu alle agtiisa ka helayaa.wadaad kasta oo taageerana ayaga waxma ma dhaamo.
Nabigeenu wuxuu na faray marka aan aragno nimankaas khawaarijt ah in aan la dagaalano.wuxuuna yiri suubanahu {– لئن أدركتهم لأقتلنهم قتل ثمود أو قتل عاد }
“Hadii aan ku soo gaari lahaa waxaan u layn lahaa sida qoomkii caad ama thamuud”.
Waxaan aad ula dhacsanahay in umaddu fahamtay Ujeedada dhabta ee ururkaan iney tahay dabargoynta ubadka muslimiinta.
umadda muslimiinta waxaa alle swt ku waajibiyay in ay la dagaalamaan kooxaaha khawaarijta.ninkii asagoo khaariji ah dhintana wuxuu ka mid noqonayaa “كلاب النار ” ama eeyaha naarta lagu shido.walciyaadul billahi alcaziim.
وسيعلم الذين ظلموا أي منقلب ينقلبون




