Wixii S/Land Ay Leedahay Ee Deegaankeeda Iyo Dadkeeda Ah Puntland Ogolaanshiyo Looga Qaadan Maayo, Madaxwayne Siilaanyo Wax Xasaasiyad Ah Kama Qabo Sool”
Wasiirka Daakhiliga Duur
Hargeysa, October 9, 2011 (Haatuf) – Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa markii ugu horaysa ka hadlay mawqifka ay xukuumaddu ka taagan tahay shirka Khaatumo 2 ee la sheegay in Qurbo jooga beesha Dhulbahante ay ku qabsanayaan degmadda Taleex ee gobolka Sool, kaas oo uu shuruud uga dhigtay dawladdu in wax qaranimadda iyo Jiritaanka Somaliland ka hor imanaya lagu soo qaado shirkaas, digniina ugu jeediyey kooxaha Somaliland-diidka ah.
Wasiirka Daakhiliga Duur ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Somaliland aanay Maamulka Garoowe ugu fasax qaadanaynin deegeenadda gobolka Sool, balse aanay ku xadgudbaynin wixii xuduuda Somaliland ka baxsan, isaga oo socdaalka Madaxwaynuhu shalay ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Sool, isla markaana gaadhay Fadhiisimadda Jiida hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Ganbadha ay tahay Kormeer xaqiiqo raadin ah iyo mid la mid ah socdaaladda gobolada dalka uu ku soo marayo



