Muqdisho 13 October 2011 (SONNA) Dowladda talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u furaneyso safaaraddii ay ku lahayd magaalada Muqdisho kaddib markii ay tilmaameen in ay xaaladda magaalada ay haatan tahay mid aad u degan.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Alfredo Mantica ayaa sheegay in dhamaadka sanadkan aynu ku jirno ay Soomaaliya ka furanayaan Safaaraddii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho.
“Waxaan si rasmi ah u howlgelin doonaa safaaraddeenii aan ku lahayn Muqdisho, marka la gaaro 31-ka bisha December ee sanadkan, halkaasi oo haatan ah mid ammaankeeda la isku haleyn karo” ayuu yiri Mantica
Alfredo Mantica ayaa xusay in safiir cusub ay u soo magacaabayaan Soomaaliya, kaa oo sidoo kale noqon doono wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya.
Mr Mantica ayaa sheegay in dowladda Talyaaniga ay soo dhaweyneyso guullaha ay ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka gaareen Muqdisho, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanno ka maqnaa gacanta dowladda Soomaaliya oo ay dadka ku dhibaatayn jireen kooxda Al-shabaab.
Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha taageersan Xukuumadda KMG ee Soomaaliya, islamarkaana diyaarka u ah inay gacan ka geystaan dib u soo celinta nabad gelyada Soomaaliya.



