Mogadisho more stable than puntland???
Posted: Mon Oct 17, 2011 7:47 am
C/raxmaan Faroole iyo Augustine Mahiga oo hadalo iska soo horjeeda hawada isku mariyey
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustina Mahiga iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed {Faroole} ayaa hawada isku mariyey qoraalo iska soo horjeeda, ka dib markii uu Mahiga go’aansaday in wejiga labaad ee shirka wadatashiga aan lagu qaban magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Xildhibaan Cali Seeko oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mahiga uu qoraal u soo diray dowladda KMG, isla markaasna uu ugu sheegay in wejiga labaad ee shirka aan lagu qaban Karin magaalada Garoowe, isla markaasna lagu qabanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Sida uu sheegay Xildhibaano Seeko Mahiga ayaa qoraalka u soo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha, oo uu ku wargeliyey arrinkan, isla markaasna uu ka dalbaday inay u diyaar-garoobaan in wejiga labaad ee shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, wuxuuna intaasi ku daray xildhibaanku in intii uusan ka jaawbin Ra’isul wasaare Gaas warqadda uu ka jawaabay C/raxmaan Faroole oo sheegay in Mahiga uusan awood u laheyn inuu bedelo in Garoowe lagu qabto wejiga labaad ee shirka wadatashiga.
Madaxweynaha Puntland C/raxcmaan Faroole oo ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in Puntland ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa, isla markaasna aysan jirin cid bedeli karta go’aan horay loo gaaray, wuxuuna intaasi ku daray inay muqadas tahay in shirka lagu qabanayo magaalada Garoowe, taasina ay tahay go’aan horay loo gaaray.