Kenyan Ministers Arrive in Mogadishu
Posted: Tue Oct 18, 2011 8:11 am
Wasiiro ka tirsan dowladda Kenya oo soo gaaray Muqdisho
Muqdisho: (Sh. M. Network)- Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya kuwaasi oo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Kenya, Wasiirka arrimaha dibadda iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxa ay kasoo dageen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay in iminka Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay kulan kula leeyihiin Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG, gudoomiyaha barlamanka iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ayaa la sheegay inay kulamo xasaasi ah la qaadanayaan Mas’uuliyiintaasi, waxaana la sheegay inay kawada hadlayaan soo galitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo sidii loo xaqiijin lahaa amaanka dalka.
Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in uu yahay mid looga hadlayo arrimo badan oo ka mid ah Soomaliya, waxaana wali arrintaasi faah faahin laga siinin Warbaahinta.