Sh. Shariif “Xamar waan xoreyney, Kismaayana sideeda ha ahaato”
Published: October 24, 2011
Kn: Madaxweynaha DKMG ah ayaa maanta jeediyey hadal siweyn loola yaabay, waxa uu ka hadlayay degmada Dayniile oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee laga saaro Alshabaab.
Waxa uu ku dhawaaqay in caasimadda laga xoreeyey Alshabaab, balse waxa uu xadgudub iyo arrin uusan raali ka ahayn ku tilmaamay in xornimadaasi oo kale laga fuliyo caasimadda sedexaad ee dalka, Kismaayo.
Shariifka oo ay waardiye ka hayeen ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi, meeshana ku tagay gaari qafilan oo ay Uganda leedahay ayaa sheegey in dowladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed aysan raali ka ahayn in ciidamada Kenya ay soo galaan qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Waxa uu sheegey in Kenya ay ku ogyihiin in ay ka taageerto tabobarka iyo gaadiidka, balse aysan isku ogeyn in ay Soomaaliya soo gasho iyada oo aanan horey looga heshiinin.
Waxa ay u muuqataa in madaxweynaha uu burinayo heshiis todobaadkani ay Xamar ku kala sixiixdeen DKMG ah iyo Kenya, heshiiska waxa uu dhigayaa in howlgalka Kenya uu ku koobnaado gobolada Jubbooyinka.
Waxaa jirey xogo ay heshey KismaayoNews oo sheegayay in dowladda dhexdeeda uu jiro tuhun weyn oo ah in qabsashada ciidamada Kenya ee gobolada Jubbooyinka ay horseedi doonto in dowlad laga dhiso Kismaayo ay la wareegto dalka oo dhan taasoo lagu badali doono DKMG ah muddo sanad ah marka uu xiliga ka dhamaado dowladda hadda jirta.
Markii dhawaan wasiirada Kenya ay tageen Xamar waxa ay dowladda KMG ah u saxiixeen in ciidamada Kenya aysan dhaafi doonin Jamaame iyo xuduuda goboladda Jubbooyinka, laakiin marka qoraalka ay saxiixeen luuqad ahaan la fiiriyo Kenya waxaa ogolaansho loo siiyay inay meel kasta oo Soomaaliya kamid ah ay ciidamadeedu ka hawlgali karaan si ay uga hortagaan khatar kasta oo ku soo waajahan. Malaha madaxda DKMG waxaa ku yar eray bixinta.
Dad badan oo reer Jubbaland ah ayaa si weyn uga caroodey hadalka madaxweynaha iyagoo sheegey in ay fahmi la’yihiin sababta Sheekh Shariif uu caasimadda ugu ogolyahay ciidamada Uganda, Jubbooyinkana ugu diidanyahay ciidamada Kenya oo ay Soomaali qeyb ka tahay.
Lama oga jawaabta ay Kenya ka bixin doonto hadalkani xili Kenya ay taageero weyn ka heshey Igad, Midoowga Afrika, iyo Qaranada Midoobey.
KismaayoNews.com




