Warar hoose oo aan daqiiqad ka hor ka helnay xaafiska Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif ayaa sheegaya in Madaxaweynuhu uu kalaabanayo hadalkii buuqa badan ka ciyay ee dhawaan daboolka uu ka qaaday isagoo jooga duleedka deyniile,Hadalkaas oo ku aadanaa in DFKMG aysan raali ka aheyn howlgalka ciidamada Kenya ay kusoo galeen ciida Soomaaliya.
Kalaabashada Madaxweynaha ayaa imaanay xili uu garoowsday in dowlada Kenya ay kusoo gashay dalka Soomaaliya heshiis ay kala saxiixdeen labada dowladood iyo rabitaanka DFKMG in laga gacan siiyo la dagaalanka Uruka Al-Shabaab, ayadoo sidoo kale uu cadaadis kaga yimid beesha caalamka iyo Ra'isul wasaaraha DFKMG Cabdiwali oo isku aragti ka noqday kana hor yimid hadalka aan waafaq saneyn heshiiska dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Sidoo kalena waxey wararku intaas ku darayaan in Madaxweynaha DFKMG uu amray ciidamada AMISOM in ay joojiiyaan dagaalka kasocda deegaanka dayniile oo ay kala horjeedaan xoogaga Al-Shabaab,hadii ay taasi dhacdano waxaa sii xoogeysanaya tuhumada beesha caalamka iyo umada Soomaaliyeed ay ka qabaan in Madaxweynahu uu ka tirsanyahay Ururka Al-Shabaab.
http://allidamaale.com/Warka.4668.htm