I declare war against Eritrea!!
Wararka laga helayo magaalo madaxda Gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay gaartay diyaarad siday hub casri ah oo ay soo dhiibtay Dowlada Eritrea oo lagu xanto gacan saar hoose iney laleedahay Kooxda Alshabaab.
Xildhibaano Katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta shir jara’id oo ay kuqabteen magaalada muqdisho ayeey kaga hadleen arimo laxiriiro taageerada militari ee xiligaani dowlada Eritrea ay ufidineyso Kooxda Alshabaab.
Xildhibaan Xasan Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Waqaa oo kamid ahaa xildhibaanadi maanta shirka jara’id kuqabtay Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in maalmo kahor diyaarad siday Hub iyo walxa qarxa ay dowlada Eritrea kasoo dajisay magaalada baydhabo oo ay gacanta kuhayaan Kooxda Alshabaab.
Hubka Dowlada Eritrea soo dhiibtay ayaa ah mid casri ah oo la doonayo in xarakada alshabaab ay kaga hortagto dagaalada ay kula jirto Ciidamada Dalka Kenya, Amisom iyo Kuwa Dowlada Soomaaliya.
Xildhibaanada Maanta Shirka Jara’id qabtay ayaa sidoo kale beesha Caalamka ugu baaqay iney talaabo sharci ah oo deg deg ah ay kaqaadaan Dowlada Eritrea oo iyada ah gaashaanka kowaad ee Kooxda Alshabaab.
Dadka reer baydhabo oo xiriiro hoose lasameenay ayaa xaqiijiyay in Diyaarad aan laheen wax sumad ah ay halkaasi gaarsiisay hub hasa yeeshe majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Madaxda Alshabaab ee ku aadan diyaarada hubka ukeentay.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay ayaa sheegaya in fiidnimadii Axadda ay garroonka diyaaradaha ee magaaladaasi soo caga dhigatay dayaarad la sheegey in u hub u sidday maleeshiyada al-Shabaab.
Maleeshiyada ayaa dadka rayidka ah u diiday inay ka ag dhowaadaan garoonka, iyadoo waddooyinka soo gala garoonka ay ilaalo ka hayeen maleeeshiyaad ka tirsan kooxda oo hubeysan.
Lama oga cidda iska leh diyaaradda, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in diyaaradda laga leeyahay dalkaEritrea, isla markaana ay saanad militari u waddo maleeshiyada al-Shabaab.
Arrintan ayaa imaaneysaa xilli kooxda al-Shabaab ay waji kale oo dagaal kala kulmeyso dowladdaKenyaoo dadaal uga jirta sidii maleeshiyada looga sifeyn lahaa gobollada xuduuddka ku teedsan.