Xukuummadda KMG ah ee Soomaaliya
oo sheegay inay ka warhayso 10-ka
degmo ee ay duqeynayso Kenya
Khamiis, November 03, 2011 (HOL) �
Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa
sheegtay inay ka warhayso qorshaha ay Kenya
hawada kaga weerarayso 10 degmo oo ku yaalla
Koonfurta Soomaaliya, waxayna ku sheegeen
qorshahan mid lagu bar- tilmaameedsanayo
Xarakada Al- shabaab.
Wasiirrada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga
DKMG ah oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in
xukuumadda KMG ah ay si toos ah uga
warhayso duqeyntan, iyagoo sheegay in
shacabka loogu baaqayo inay ka fogaadaan
saldhigyada ay Al-shabaab ku leedahay
degmooyinkaas.
"Qorshahan waa mid ay DKMG ah wax- ka-
ogtahay, wuxuuna qayb ka yahay gulufka ka
dhanka ah Al-shabaab oo labada dal cadow ku
ah," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee
Soomaailya, C/samad Macallin Maxamuud oo
saxaafadda Muqdisho la hadlay.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay inuu jiro
guddi ka kooban lix wasaaradood oo ka kooban
xukuumada Kenya iyo Soomaaliya, kuwaasoo si
joogto ah ula socon doona howgallada ay
wadajirka u wadaan ciidamada Soomaalida iyo
kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya,
kuwaasoo maalin walba warbixinnada
isdhaafsanaya bil walbana mar kulmaya.
Dhanka kale, wasiirka difaaca Soomaaliya,
Xuseen Carab Ciise oo Jubbooyinka ku sugan
ayaa u sheegay VOA-da in degmooyinka la
duqeynayo ay yihiin kuwa ay ka taliso Al-
shabaab, ayna dowladda KMG ah la socoto
arrintan, isagoo sheegay in shacabku ka
fogaadaan deegaannadaas.
"Runtii aad ayay u dhibaato badan tahay in
dadku ay deegaanadooda ka barakacaan balse
innagu waxaan ku jirnaa dadaalkii ay dowlad
walba u soo martay inay kusoo ceshato
dowladnimadeeda," ayuu Xuseen Carab yiri.
Afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel
Chirchir ayaa sheegay shalay inay ku talo- jiraan
inay duqeeyaan degmooyin ku yaalla Koonfurta
Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay ka taliso
Al-shabaab .
Degmooyinka la duqeynayo ayaa waxaa ka mid
ah: Kismaayo, Afmadow, Bu'aale , Jamaame,
Baydhabo, Baraawe, Diinsoor, Afgooye iyo
kuwo kale, iyadoo dadka ku nool ay durba
walaac ka muujiyeen hadalkan.




