Page 1 of 1

Al Shabaab oo Buurdhuubo

Posted: Mon Nov 07, 2011 2:38 am
by fatimazahra
Buurdhuubo:( Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ayaa Odayaal dhaqameedyo waxa ay ka afduubteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koofurta dalka Soomaaliya. Shalay galinkii dambe ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay deegaanka Buurdhuubo ku adfuubteen ku dhawaad 10-Odayaal dhaqameed oo la sheegay inay ka qeyb galayeen aqoon is weedaarsi oo looga hadlayay xasilinta amaanka gobolka Gedo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in afduubkaani uu ka dambeeyay kadib markii Odayaashaani mudooyinkii dambe uu Siminar uu uga socday degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo islamarkaana markii ay kasoo laabteen degmadaasi ay wada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaaab oo ku afduubtay deegaanka Buurdhuubo. Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada Garbahaareey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay afduubka Shabaabku ay u gaystaan Odayaal dhaqamedka, waxaana ay codsadeen in lasii daayo dadkaasi.

Majiro wax war ah kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan afuubkaani hase ahaatee Al Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in mararka qaar ay dhibaatooyin u gaystaan dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan