Muqdisho,(lasanod Online)- Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka DKMG ee Soomaaliya ayaa duhurkii maanta lagu toogtay degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Adan Buule Maxamed ayaa la sheegay in uu toogtay nin ku huebysnaa qoriga nooca loo yaqaano AK-47 xilli uu doonayey inuu soo eego guri uu ku leeyahay degmada Dharkeenleey.
Lama oga ujeedada ka danbeyso dilka xildhibaanka iyo in la qabtay qofki dilay iyo in kale, laakinse waxaa la filayaa in dowlada KMG ay war kasoo saarto arrintan.
Xildhibaan Buule ayaa dawladi Maxamed Siyaad Barre kasoo noqday gudoomiye gobol, isaga oo baarlamaanka Soomaaliya marki ugu horeysay ka mid noqday sanadki 2000-ki dawladi lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
Waxa uu kamid ahaa mudanayaasha ugu fir fircoonaa baarlamaanka FKMG Soomaaliya tan iyo sanadki 2004 marki lagu soo dhisay dalka Kenya.
Waa xildhibaanki labaad oo lagu toogto Muqdisho, bishi hore ayaa dhaawac halis ah loogu geystay Muqdisho xildhibaan Caananuug oo hada dhaawacaas ugu jira cusbitaalka Banaadir.
Copyright © 2011 Lasanod.com



