Yuweri Museveni “Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona”
Mogadishu Sabti 19 November 2011 SMC
Yuweri Museveni “Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona”
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa soo dhaweeyay in ciidamo Ethiopian ah soo galaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay ku biiraan dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-Shabab sida uu yiri .
War xafiiskiisa laga soo saaray oo ay baahiyeen warbaahinta dawlada Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in M/weyne musaveni uu si gaar ah u soo dhaweynayo in ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya dib ugu soo laabtaan oo ay ka qeyb qaataan hawlgalada lagu doonayo in meesha looga saaro Al-Shabab sida warka lagu yiri.
M/weyne Musaveni waxaa uu sheegay in ciidamada Ethiopia ay qibrad wanaagsan u leeyihiin habka loola dagaalamo Al-Shabab waxaana uu xusay inay tahay arrin wax badan ka badali karta xaaladda AMISOM.
“Ku soo noqoshada ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya waxaa ay xal u noqonaysaa dhibaatadda Soomaaliya waayo haatan Al-Shabab awood badan ma laha waase la sii dhameys tiri doona” ayaa lagu yiri warka laga soo saaray xafiiska M/weynaha Uganda Yuweri Musaveni.
Dawlada Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga tirada ugu badan ciidamada AMISOM waxaana ay safka hore kaga jirtaa wadamada Africa ee sida weyn ula dagaalsan Al-Shabaab.
Midawga Africa ayaa dhawaan sheegay in ciidamo Ethiopian ah ay Soomaaliya usoo dirayaan kuwaasoo Soomaaliya kula dagaalami doona Xarakadda Al-Shabab oo haatan maamula gobolo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.



