If you don't read somali, it means the TFG decided to serve as cheerleaders and water boys for a fresh Ethiopian invasion.
http://shabelle.net/article.php?id=12754
DKMG oo soo dhaweysay ciidamada Ethiopia ee soo galay Somaliya
Muqdisho : (Sh. M. Network) Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso ciidamada Ethiopia ee soo galay gudaha dalka Soomaaliya iyo cid kasta oo ka gacan siineysa ladagaalanka Xarakada Al Shabaab.
Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda KMG Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo qeyb galay kulan looga hadlayey arimaha Soomaaliya oo ka dhacahay magaalada Addis Ababa ayaa waxa uu ka hadlay soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya.
Xuseen Carab Ciise oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweyneyso ciidamada Ethiopia ee soo galay dalka Soomaaliya iyo cid kasta oo ku gacan siineysa la dagaalanka Xarakada Al Shabaab islamarkaana aan ku xadgudbeen qaranimada dalka Soomaaliya.
Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya inkastoo war kasoo baxay dowladaasi ay ku beenisay in ciidamo kuweeda ah ay ku jiraan dalka Soomaaliya.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.




