About:- 16 mins ago| 1 Commnets
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada ayaa galabta ciyaaro Kubadda Cagta uga qeybgalay Xeebta Lido ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciyaartan uu daawanayay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Mudane Cali Mahdi Maxamed oo ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya.
Ciyaartan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayna goob joog ka aheyd bahda Warfaafinta ayaa waxaa wada ciyaaray Koox loogu magac daray Xukuumada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaaraha ayna ka mid ahaayeen Wasiirka, Qorsheynta Mudane C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn), Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Maxamed Muxudiin, Wasiirka Dastuurka iyo A. Federaalka Mudane Xoosh Jibriil, Wasiiru dowlaha W. Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Siciid Qoorsheel, Wasiirka kuxigeenka W. Arrimaha Gudaha iyo A. Qaranka Mudane C/xakiin Cige Guuleed, iyo Wasiirka kuxigeenka W. Sh. Iyo shaqaalaha Mudane Daahir Xaaji Geelle, iyadoo dhanka kalena ay safnaayeen koox ku ciyaareysay magaca Shaqaalaha Dowladda waxaana ciyaartu ku soo gabogabowday 2-1 oo ay ku badiyeen kooxdii ku ciyaareysay magaca Xukuumada.
Ciyaarta kadib, ayaa waxay sameeyeen dabaal waxaana halkaasi lagu qaatay in ka badan labo saacadood oo iyadoo goobtana ay joogeen dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmooyinka ku xeeran xeebtaasi Liido.
Ra’iisul Wasaaraha oo bahda warfaafinta kula hadlay Xeebta Liido ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ciyaar kaga qeybgalo Xeebta Liido isla markaana uu ku dabaasho, wuxuuna yiri waxay I soo xusuusineysaa arrintan beri samaadkii oo uu xusay in isaga oo degan degmada Boondheere uu maalin kasta oo Jimce ah u soo dabaal tegi jiray xeebtan Liido,
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu waxa lagu farxo ku tilmaamay in xeebtan laga xoreeyey kooxo caddow ah oo u diiday dad shacabka ah inay six or ah ugu soo dabaal iyo ciyaaro tagaan xeebta, maadaama buu yiri ay doonayeen in dhalinyarada aysan helin wax maaweelo ah si ay ugu dagaalamaan kooxahaasi Nabadiidka ah.
“Waxaan leeyahay anigoo fursadan ka faa’iideysanaya dadka qurbejoogta ah dalkiina dib ugu soo laabta, keensada caruurtiina xeebtan ku ciyaaro quruxda badan, oo dalkiinana dib u dhisa” ayuu yiri oo intaasi ku daray in intii uu ku noolaa dalka Mareykanka haddii uu damco inuu aado Badda ay ku qaadan jirtay diyaar garowgeeda in ka badan hal maalin qarashna uu uga bixi jiray balse galabta wax lacag ah isaga oon bixin uu ku yimid in ka yar 20 daqiiqo.
Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta madaxdii dowladda ay soo booqdaan kuna ciyaaraan xeebta Liido, isagoo xusay in todobaadyo ka hor isagu markii uu Muqidsho yimid uu ugu horeyntii isaga oo xiiso u qaba ku dabaashay Xeebtan Liido.
Ugu dambeyntiina qaar ka mid ah qurbejoogta dhowaanahan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishoh ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in qaar ka mid ah caruurtooda ay joogaan magaalada Muqdisho dhowaana ay rajeynayaan inay dib ugu soo wada laabtaan dalkooda oo ay xiiso badan u qabaan.
Dheagyso Cali Mahdi Maxamed & Raisal Wasaaraha
http://horseedmedia.net/2011/11/25/rays ... do-sawiro/







Ali Mahdi







