Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Madaxweyne Sharif: ‘Ciidamada Itoobiya ma imaanayaan Somalia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Madaxweyne Sharif: ‘Ciidamada Itoobiya ma imaanayaan Somalia

Postby TheblueNwhite » Mon Nov 28, 2011 3:56 pm

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey warar la isla dhax marayey maalmahan oo sheegayey in dowlada Itoobiya ay dib ugu soo laaban doonto Soomaaliya.

Image

Madaxweynaha oo xalay marki ugu horeysay su,aalo toos ah uga jawaabay dad lasoo xulay oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Itoobiya ay si cad uga sheegeen shirki IGAD ee dhawaan lagu soo gaba gabeeyey magaalada Adis Ababa.

Waxa uu qiray in aysan soo laaban doonin ciidamada Itoobiya balse ay difaacan doonaan xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya, sidoo kalana ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Dowalada Itoobiya waxay si cad uga sheegeen shirki IGAD in aysan daneyneyn in ay soo geliyaan ciidamo, waxaan is leeyahay waa go,aan aad u fiican oo taariikhi ah, mar walbo oo aan is aragno Itoobiya waxay i dhahaan marnaba ma daneyneyno in aan soo galno Soomaaliya, dowladaha qaar waxay ku adkeeyaan Itoobiaya ay in ay qeyb ka noqdaan howlgalka AMISOM, laakin Itoobiyaanka arintaasi waa diideen, waxay laakin ilaashanayaan xuduudkooda taasina xaq ayey u leeyihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Dhanka kale madaxweynaha waxa uu ka hadlay arinta ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya isaga oo sheegay in Kenya ay xaq u leedahay in ay is difaacdo siday doontaba haku soo gashee Soomaaliya.

Madaxweyne Sharif ayaa marki ugu horeysay si toos ah usoo hor fariistay dad weynaha oo fursad u helay in ay su,aalooyin soo weydiiyaan, barnaamij gaar ah oo ay soo abaabushay hey’ada CRD.

Todobaadki hore sidaan oo kale waxaa su,aalooyin toos ah dadweynuhu weydiiyeen ra’isulwasaare C/wali oo isna ka jawaabay su,aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen dad lagu casuumay barnaamijkaasi.

Horseed Media

-11:15 on
http://radiomuqdisho.net/wp-content/upl ... OODDA1.mp3

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Madaxweyne Sharif: ‘Ciidamada Itoobiya ma imaanayaan Som

Postby TheblueNwhite » Mon Nov 28, 2011 4:11 pm

Image

Isniin, November 28, 2011 (HOL) − Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn in ciidamadeeda ay soo geliso gudaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM la soo kordhinayo tiradooda ayna ka howgeli doonaan gobollada dalka qaarkood.

Sheekh Shariif, ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood-wadaag ah oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda cilmi-baarista iyo wadahadalka CRD oo xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

"Shirkii ka dhacay Addis Ababa, wuxuu ahaa shir saraaxad leh, waxaa looga wada-hadlay in madaxbannaanida Soomaaliya ay tahay muqaddas iyo in Al-shabaab lala dagaalamo, waayo dowladda haddii aysan awood lahayn waxay mas'uuliyadu ka saaran tahay sidii lagu heli lahaa tallaabo walba oo xal lagu gaarayo iyadoo madax-bannaanida dalka la ilaalinayo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo su'aal ku saabsan shirkii IGAD la weydiiyay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in dowladda Itoobiya cadaadis lagu saaray inay ciidammo u dirto Soomaaliya balse ay madaxdeedu diidday, ayna sheegeen inaysan marnaba ciidammo u dirayn Soomaaliya.

"Madaxda Itoobiya waxay nagu yiraahdeen marna ma doonayno inaan ciidammo u dirno Soomaaliya, balse ay doonayaan inay hagaajiyaan dirsnimada, ayna mar walba kala hadlaan dowladda KMG Soomaaliya sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Itoobiyaanku ay diideen inay ka mid noqdaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isagoo sheegay inay asbaabo ay ogyihiin ay ku diideen, taasoo uusan madaxweynuhu caddeyn balse wuxuu sheegay inay ahayd mid xikmad ku dhisan.

"Ciidamada Itoobiya doorkoodu waa inay adkeeyaan ammaanka xuduudaha ayna tababarro siiyaan ciidamada DKMG ah," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada AMISOM tiradooda la gaarsiin doono 12,000, ayna ka howlgeli doonaan gobollada dalka qaarkood.

"Ma doonayo inaan halkaan ku faahfaahiyo arrimaha milateriga, balse waxaa jira qorshe la doonayo in ciidamada AMISOM lagu kordhiyo si ay uga howlgalaan gobollada dalka qaarkood," ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka dood-wadaagga ah ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal dad ah, iyadoo su'aalaha la weydiinayay madaxweynaha ay u badbaayeen dib u dhiska Muqdisho iyo ammaanka, isagoo su'aal walba si cad uga jawaabayay.

"Mar walba waxaan ku celinaynaa inay albaabbadeenu furan yihiin kuwa nabadda doonaya, marka waxaan leennahay joogi dambiga oo u soo laabo jidka toosan," ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka jawaabayay su'aal ahayd go'aanka dowladda ee ku aaddan Xarakada Al-shabaab.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ammaanka Muqdisho la adkeeyay, isla markaana ay socdaan mashaariic lagu dayactirayo waddooyinka kuwaasoo ay qayb ka yihiin mashaariicda Turkigu ka fulinayo dalka, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

User avatar
BlackVelvet
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 23249
Joined: Thu Mar 11, 2010 2:54 pm
Location: On Idman's mind

Re: Madaxweyne Sharif: ‘Ciidamada Itoobiya ma imaanayaan Som

Postby BlackVelvet » Mon Nov 28, 2011 4:17 pm

:up: :up:

User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Madaxweyne Sharif: ‘Ciidamada Itoobiya ma imaanayaan Som

Postby Shift » Tue Nov 29, 2011 12:48 am

He actualy says on the voa interview "Shabaab ma ku filan nahay,maya waa in gacan nala siiyo".Hear it for yourself.Its as if he is telling us to go swimming while we keep dry. :?

http://www.voanews.com/somali/news/Mada ... 86153.html


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 12 guests

cron