Shabaab is increasing their suicide, hit and run attacks.
Most of the bombers are dressed up as somali soldier.
Maybe that explains why sharif prefers bantu amisom guards.
Wararkii ugu dambeeyay weerar
ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay Villa
Baydhabo iyo khasaaro badan oo ka
dhashay
Waxaa mar kaliya qarax xoogan laga dhex
maray Xaruunta Villa Baydhabo ee magaaladda
Muqdisho, taasoo xaruun u ah Saraakiisha
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Ruux la- sheegay in uu soo xirtay dareyska
Ciidamadda Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu
gudaha u soo gallay Xaruunta Villa Baydhabo
xilli uu ku sugnaa Abaan Duullaha Ciidamadda
Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin
Yuusuf Aadan Dhaga Badan.
Ruuxa soo xirtay dareyska Ciidamadda
Dowladda oo xirnaa walxaha qarxa, ayaa
wuxuu cagta soo saaray qolkii uu ku jiray Abaan
Duullaha Ciidamadda Xoogga Dalka Somaliyeed,
laakiin inta uusan gudaha u gellin ayaa waxaa
kahor yimid ilaalada Abaan Duullaha, kuwaa oo
u diiday in uu gudaha u gallo.
Hase ahaatee waxaa mar qura laga war hellay
qarax xoogan oo si weyn looga maqlay
magaaladda Muqdisho, waxaana durbaba
goobtaasi ku geeriyootay xubno ka mid ah
ilaalada Abaan Duullaha iyo ruuxii isqarxiyay.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in uu
caafimaad qabo Abaan Duullaha Ciidamadda
Xoogga Dalka Somaliyeed General C/Kariin
Yuusuf Aadan Dhaga Badan, isla-makaana aanu
wax khasaaro ah ka soo gaarin qaraxaasi.
Inkastoo la-sheegay inuusan waxba soo gaarin
General Dhaga Badan, hadana weli warbaahinta
muusan kala hadlin qaraxaan oo goor dhaw ka
dhacay Xaruunta Villa Baydhabo ee magaaladda
Muqdisho.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in
goobta uu qaraxu ka dhacay ay soo gaareen
ciidamo xoogan oo ka tirsan Dowladda
Somaliya, isla-markaana wararka oo isa soo
taraaya ayaa waxay sheegayaan, in goobtaasi ay
ka dhasheen khasaarooyin balaaran.






