
So called PM Abdiweli is actually a criminal embezzliling funds that should be directed towards Southern/Mogadishu growth and being sent straight to pirate Futtoole's pockets. Be weary of this sneaky snake
War Badan anoon Galin waqtigana lumin ayaan jecelnahay inaan cadeyno inuu Heshiiskan yahay mid wax kama jiraan ah oo aan waafaqsaneeyn Sharciga Sababaha aan hoos ku soo xusi doono Awgood:
Heshiisku wuxuu yahay Mid khiyaano Qaran oo qabiil ku saleysan Hadii uu noqon lahaa Mid uu naqdiyay Madaxweyne Shariif oo ah Muwaadin Matali kara Soomaali, Heshiisku wuxuu noqon lahaa mid Sax ah oo aam wax shaki iyo Muran ah laheyn- Waxaana Arinkaa isku raacay Wax garad Soomaaliyeed oo ka soo kala jeeda Dhulweynaha Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa ah mid Qabiil ku saleysan Dr. Cabdiweli Gaas oo ah Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya sida lagu Baahiyay Warbaahinta Qaranka ayaa Booqashadiisu ahayd u gogol Xaaridda Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Waxa meesha Keenay heshiis Beenaad Qabiileysi iyo Jufeysi ku saleysan Waa Sharci darro, Cabdiweli Gaasna wuxuu Astaahilaa in Maxkamad la soo taago.
Puntland ayaa Waxay noqotay meel lagu waxyeeleeyo Shacabka Soomaaliyeed iyadoo Muwaadiniin Soomaaliyeed si Xun loogu xasuuqay Magaalada uu ka soo jeedo Raèiisal wasaaruhu, hoos timaadana Maamulka Puntland, Taasoo ku soo beegantay Xilli Raèiisal wasaaruhu Booqanayay Garoowe, Nasiib darrase Raèiisal Wasaaraha iyo Mujrimka Faroole midkoodna Wax kama oran, Taas oo ah mid Islaanimada ka fog.
Xerada Tababarka Carmo oo ah xero Xaaraameed oo la furay Xilligii Mujrimkii Cabdullaahi Yuusuf Waddanka Madaxweynaha ka ahaa ayaa Gebi ahaanba hadda laga maarmaa, Waayo waxaa Nabad iyo Xasilooni Ilaah ku soo dabaalay Caasimadii Dalka oo leh Akadeemiyayaalkii waligeed lagu tababari jiray Ciidamada Qaranka sida :
Dusiga Tababrka Booliska (Scuola Policia)
Dugsiga Tababarka Xalane
Kuliyadda Ciidamada Jaalle Siyaad
Kuliyadda Saraakiisjha sare ee Axmed Gureey.
Muqdisho oo ah magaala madaxdii Qaranka oo Soomaali oo dhami u sima tahay ayadoo la heli karo Waxa Tababar loogu aado Dhul fitneedka Puntland waa Akhlaaq darro iyo marin Habaaw.
Waxaan Golaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dalka u soo jeedineynaa iney Cambaareeyaan Labada Shakhsi ee Magaca Qabiil Heshiis Beenaadka ku soo saaray lana cadeeyo in heshiiskaasi yahay mid aan shrciga Waafaqsaneeyn.
Ma jiraan Wax barakacayaal ah oo Soomaaliyeed oo ku nool Deegaanada Puntland, Xeryaha ay sheegayaan Waa xeryo ay ku jiraan Dad Majeerteen ah oo abaarsaday , Xaqna way u leeyihiin in gargaar la siiyo, Waxaase Tacaddi iyo Meel ka dhac ah in lagu Marmarsoodo Barakacayaasha Gobollda Koofureed.
Dhanka Burcad Badeedka Waxaan la soconaa iney Puntland Madaxdoodu yihiin kuwii bilaabay Waqtigan Xaadirka ahna Cabdiraxmaan Faroole yahay Madaxa Burcad Badeedka Soomaaliyeed, Dr. Cabdiweli Gaas na ka mid yahay dadkii taageersanaa Bacdamaa ay Dhaqaale ka soo galeysay Puntland, In Puntland ku qaraabato la dagaalan burcad Badeed waa meel ka dhac iyo Gaf loo geystay Soomaali oo dhan, waxayna ka dhigan tahay Dhurwaa Hilib lagu rartay!
Waxaan kalsooni buuxda ku qabnaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo Matali kara Qaranka Soomaaliyeed, Balse Cabdiweli iyo Faroole Waa laba Shaqsi oo isku Jufo ah (Majeerteen) heshiiskii ay wada gaaraanna waa mid Qabiil .
Wa Billaahi Towfiiq
Wixii Wanaag ah Alle ayay u sugnaatay wixii Khalad ahna Nafsadeyda iyo sheydaanka la Rajmiyay ayay ka sugnaatay.
Saami Bile - Eysin Xume -
we should be untied against these enemies of Somalia



