Xildhibaanadaani ayaa waxa ay tilmaameen in Mahiga uu yahay mid xilligaani kala qo qob siyaasadeed ka wada dalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Xukuumadda KMG Soomaaliya si deg deg ah looga baahanyahay inay qaadato go’aan ka dhan ah Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo kulanka kasoo jeediyay qudbad xasaasi ah ayaa waxaa uu sheegay inay si aad ah u cambaareynayaan hadalkii shalay kasoo baxay Augustine Mahiga xilli uu qudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Hargaysa, isagoo tilmaamay in uu yahay cadowga Umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Cabdi Xaashi oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in go’aan laga qaato Augustine Mahiga, isagoo ku tilmaamay in Mahiga uu yahay mid caqabad ku ah dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn Xildhibaanadii kale ee ka hadlay kulanka ayaa gabi ahaantooduba waxaa ay isku raaceen in midnimada Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah oo lama taabtaan ah, iyagoo tilmaamay in Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah looga baahanyahay iyo shacabka Soomaaliyeed inay ilaaaliyaan midnimadaasi ayna ka shaqeeyaan sidii la’isugu keeni lahaa dhinacyada Soomaaliyeed.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.





