Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka

Postby TheblueNwhite » Thu Dec 15, 2011 5:03 am

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kadib Warsaxaafadeed kasoo baxay goor dhow Xafiiska Madaxweynaha oo u qornaa sidan.

War-Saxaafaddeed
(Mogadishu, Somalia, December, 14, 2011) Sida lawada ogyahay, waxaa maalmahan socday shirar iyo kulamo ay wadeen xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah kuwaasoo waday mooshin lid ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, wuxuu maalmahan ku mashquulsanaa kulamo xal loogu raadinayo khilaafaadka kuwaas oo meel fiicansoo gaaray. Haddaba, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, isagoo ka welwelsan degdegga iyo sida kediska ah ee uu ku dhacay Go’aanka ay xubno ka mid ah Baarlamaanka Federaalka KMG ah soo saareen shalay ee ku saabsanaa Xil ka-qaadis GuddoomiyahaBaarlamaanka , ayaa tibaaxay dareenka uu ka qabo tillaabada lama filaanka ah ee uu Baarlamaanku qaaday, wuxuuna yiri: “ Ma ahayn dhacdo cusub laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi ah, waana dhacdo aan la fileynin oo dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas.”

Dalku wuxuu ku sugan yahay duruufo gaar ah sida la dagaallanka Al-Shabaab, Fulinta Qorshe-Howleedka (Roadmap) iyo Gaarsiinta gargaarka bino’aadanimo.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray “waxaan sii wadi doonnaa wadahadalka iyo u kuurgalidda xaaladdan si waafaqsan sharciga, waxaana mudanayaasha Baarlamaanka ugu baaqeynaa iney joojiyaan sii wadidda khiliaafaadka, gartaanna masuuliyadda ka saaran habsami u socodka howlaha Baarlamaanka iyo ilaalinta sharciga”

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu adkeeyay ixtiraamka iyo madaxbannaannida Baarlamaanka wuxuuna tilmaamay in Dowladdu ay ku dhisan tahaysharciga, sidaa daraadeed tillaabo kasta oo la qaadayo waa iney waafaqsan tahay Axdiga KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka u degsan. “Waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa in khilaafaadka la iska ilaaliyo, xoogana la saaro fulinta Qorshe Howleedka (Roadmap) iyo howlaha culus oo na hor yaala” ayuu yiri Madaxweyne Sharif.

User avatar
D-Runner
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1293
Joined: Mon Nov 02, 2009 12:09 am
Location: What plan? Let's just meet up for a cup of tea and come up with our own state too.
Contact:

Re: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka

Postby D-Runner » Thu Dec 15, 2011 5:20 am

So since it seems Sh. Sharif hasn't taken a clear stand on the whole issue, is it fair to say he is in bed with the crooks in opposition to the speaker?

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Baarlamaanka

Postby Somalian_Boqor » Thu Dec 15, 2011 5:55 am

Shariif Hassan has to go and Sh. Sharif is only harming himself with his somewhat natural states.

There was a fist fight in the Baarlamaant yesterday and this is all the President has to say? :|


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 31 guests