DEG DEG: Shariif Xasan oo si kulul uga
hadlay tallaabada xilka looga qaaday
“Warbixin Xasaasi ah"
Shariif Xasan ayaa wuxuu si weyn uu uga soo
horjeestay tallaabada xilka looga qaaday, isagoo
taasi ku macneeyay mid aanu waxba ka jirin,
kana fog Sharciga u degsan Baarlamaanka
Somaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee
Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh
Aadan, oo galabta wareysi gaar ah siiyay
Idaacada VOA-da laanteeda afka Somaliga
isagoo ku sugan Wadanka Talyaaniga, ayaa
wuxuu ka soo horjeestay qaabka xilka looga
qaaday.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in xilka ay
ka qaadeen kooxo aysan tiradoodu gaareyn
boqol, isla-markaana wuxuu sheegay in
kooxdaasi ay yihiin kuwo dambiilayaal ah, ayna
ka qaadi doonaan tallaabo adag.
“Waxaa xilka iga qaaday koox qaswadayaal ah
oo buurtay Golaha Shacabka, waxay jabsadeen
Xaruunta Baarlamaanka, 280 maahee 100 xataa
meesha matagin, waxaana sidaan sameeyay rag
gaar ah oo hebel hebel la- dhihi karo, waana lees
wada yaqaanaa Baarlamaanka” ayuu yiri Shariif
Xasan Sheekh Aadan.
“Aniga waan taggi doonaa Xamar waana laga
hadli doonaa, kooxo qaswadayaal ah ayaa
sidaan sameeyay, tallaabo ayaana laga qaadi
doonaa” ayuu ugu goodiyay Shariif Xasan,
Xildhibaanadii xilka ka xayuubisay.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu arin
waxba kama jiraan ah uu ku sheegay in tirada
xilka ka qaaday ay gaareyso 2,80 Xildhibaano,
isagoo xusay inaysan marnaba gaareyn 1,00
Xildhibaano xitaa.
Mar wax laga weydiiyay War Saxaafadeedkii uu
soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya in uu
wax kala socdo iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay
inuuusan waxba kala socon, laakiin wuxuu
sheegay in Madaxweynaha uu ka rajeynaayo
inuu ku hadlay oo qura hadalo wanaagsan, oo
dan u ah buu yiri dalka iyo dadka.
Wariye Cabdi Casiis Xuseen Cismaan oo
wareysigaan qaadaayay, ayaa wuxuu Shariif
Xasan uu u akhriyay qeyb ka mid ah War
Saxaafadeedkii uu Madaxweynaha soo saaray
oo u qorneyd sidatan “ Ma ahayn dhacdo cusub
laakiin waqtiga uu ku soo beegmay ayaa xasaasi
ah, waana dhacdo aan la fileynin oo
dareenkeeda leh, walina baaris iyo ka baarandeg
ayaan ku jirnaa si aan u helno xaqiiqda dhabta
ah iyo duruufaha keenaya go’aankaas .”
Waxaana Shariif Xasan wax laga weydiiyay waxa
uga baxay hadalkaasi.
Shariif Xasan ayaa wuxuu sheegay inuusan
hadalkaan u maleyneyn in uu ku hadlay
Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin sida uu
sheegay uu Madaxweyaha uu mar walba ka
fillanaayo oo qura hadal wanaagsan.
Su’aal ahayd sida uu u arko aamusnaanta
Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya uu uga aamusan
yahay khilaafaadka xargaha goystay ee u
dhaxeeya Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya,
ayaa wuxuu Shariif Xasan sheegay in Raa’isal
Wasaaraha uu u maleynaayo sababaha uu u
aamusan yahay, inay tahay oo qura wanaag.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu xusay
in Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay
Heshiiskii Kampala, isla-markaana wuxuu
qeexay in cid walba ay ogtahay in lagu heshiiyay
in mudada sanadka ah aan laga keyni kareyn
wax mooshin ah, sidaasi daraadeed tallaabada
xilligaan xilka looga qaaday ayaa wuxuu ku
sifeeyay mid ay ka dambeeyeen sida uu yiri
kooxo qaswadayaal ah.
Hadalkaan ka soo yeeray Gudoomiyaha
Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane
Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu
noqonayaa kiisii ugu horeeyay oo uu uga hadlay
tallaabada xilka looga xayuubiyay.
Shit, this new season of "Villa Somalia Chronicles " is getting better!




