
Toronto (RBC) Waxaa Arbacadii maxkamad ku taallo magaalada Toranta ee dalka Canada la soo taagay wiil Soomaaliyeed kaas oo la sheegay in uu xiriir la lee yahay ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Dalka Soomaaliya.
Maxamed Xasan Xirsi oo 25-jir ah ayaa la qabtay bishii march 29 keedii isagoo doonaya inuu diyaarad ka raaco garoonka Pearson ee magaaladaToronto, waxaana sida sakaariisha ammaanka ay sheegeein in uu ku sii jeeday dalka Masar, si uu luqadda carabiga u barto.
Ciidamada ammaanka ee dalka Canada ayaa magaaladaToronto ku xiray nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay inuu ku biiro kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya.
Maxkamadeynta wiilkan Soomaaliyeed Oo lagu soo edeeyay In uu La sheqeeynayay Al shabaab ayaa Ka socoto Magaalada Toronto.
Booliska Canada ayaa sheegeen in ninkaan oo horey looga shakiyay ciidamaduna ay gacanta ku dhigeen isagoo damaanad lagu sii dayay hadase uu isku dayay in uu baxsado.
Qareenka u doodayay Maxamed Xasan Xirsi oo lagu magacaabo Anser Faaruuq ayaa sheegay in eedeymaha maxkamaddu ay soo jeedisay ay yihiin kuwa aan sal loo heyn islamkaraana uu Maxamed Xirsi dooneyn in uu ku biiro Al-Shabaab, laakin uu rabay in uu wax ku soo barto dalka Masar.
Dowladda Canada ayaa ku biirisay Al-Shabaab liiska Al qaacidda ka dib markii Sanadkii 2009 ka la waayay lix wiil oo Soomaali heesata dhalashada dalka Canada ah kuwaas oo ku biiray Al-Shabaab.
Maxamed Xirsi ayaa waxaa mar kale maxkamad la soo taagi doonaa bisha January ee sanadka soo socda 2012.
RBC Radio
P.s admins this is not political topic.



