Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ANOTHER FIST FIGHT IN THE TUUG-FG PARLIAMENT

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

ANOTHER FIST FIGHT IN THE TUUG-FG PARLIAMENT

Postby tightrope » Wed Dec 21, 2011 4:42 pm

Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo mar kale ku dagaalamay Xarunta golaha shacabka ee Muqdisho

Arbaco, December 21, 2011 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku dagaalamay gudaha xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaddib markii ay halkaas isugu tageen xildhibaannadii xilka ka qaaday afhayeenka baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwa weli rumeysan inuu guddoomiyaha baarlamaanka yahay.

Gacan ka hadalka ayaa billowday markii ay xildhibaannadii taageersanaa afhayeenka baarlamaanka ay kasoo horjeesteen magacaabista guddiga qabanqaabiya doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal gacan ka hadal ah oo khasaare geystay.

Xildhibaannada ayaa waxay isku garaaceen makarefoonnada xarunta taallay, kuraasta iyo miisaska, waxaana la arkay dhowr xildhibaan oo dhiig uu ka da'ayo oo laga saarayo xarunta golaha shacabka, kaddib markii ay nabro kaga dhaceen madaxa.

Iskahorimaadka kaddib ayaa waxaa halkaas kulankoodii ku qabsaday xubnihii xilka ka qaaday Shariif Xasan, kuwaasoo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka iyo Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen shir guddomiye.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hadlay ayaa sheegay inuu howsha shir guddoominta kala wareegay xildhibaan Madoobe Nuunow oo ay horay ugu doorteen xildhibaanada shir guddoon markii xilka laga qaaday guddoomiyihii baarlamaanka iyo ku xigeenkiisii koowaad.

"Kulanka waxaa soo xaadiray 290-xildhibaan, waxaana u codeeyay inaan guddi doorasho soo magacaabi karo 287-xubnood saddexda kalena way ka aamuseen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Casoowe oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabayo guddi doorasho.

Xildhibaannada baarlamaanka oo markii hore loo diiday inay ku shiraan xarunta golaha shacabka ayaa go'aan ku gaaray inay jiiraan ciidamadii ilaalada ka hayay xaruntaas oo isugu jiray kuwa AMISOM iyo booliiska DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana mudanayaashaas horkacayay xildhibaanno ay ka mid yihiin: Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cismaan Xasan Cali (Caato).

Gacan ka hadalka ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo dhexmara xildhibaannada taageersan guddoomiyaha baarlamaanka iyo kuwa kasoo horjeeda, iyadoo aysan jirin cid dhexgashay gacan ka hadalka dhexmaray xildibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxay ku sheegeen warsaxaafadeed ay soo saareen todobaadkan in dib loo bilaabo kulammada baarlamaanka lana dhowro axiga KMG ah iyo heshiiskii Kampala, iyagoo shaki geliyay xil ka qaadistii Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: ANOTHER FIST FIGHT IN THE TUUG-FG PARLIAMENT

Postby Xamud. » Wed Dec 21, 2011 4:48 pm

Yaab.

User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: ANOTHER FIST FIGHT IN THE TUUG-FG PARLIAMENT

Postby Mondey » Wed Dec 21, 2011 6:32 pm

this is a clear indication that those 550 fools were not politicians in the first place but rather former cons and mobbs.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 18 guests