Boqor Cismaan Buur Madow oo Ku Dhowaad Labo Bilood u Xiran Sirdoonka Imaaraadka Carabta
Boqor Cismaan Buur Madow wuxuu ka soo laabtay Xajka markii la qabtay
Nairobi (RBC) Sida ay maanta shaacisay hay’ada u dooda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International waxaa mudo ku dhow labo bilood ciidamada sirdoonka Imaaraadka Carabta u xiran Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Soomaalida.
Bayaan ay soo saartay Amnesty International ayaa lagu sheegay in Boqor Buur Madow la qabtay 17 November 2011 xilli uu ka soo laabtay Xajka, Waxaana xilligaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Dubai.
Bayaanka Amnesty ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta ay qabteen hogaamiye dhaqameedka ka dibnaay la aadeen meelaan la aqoonin.
“Wax qareen ah ma uusan helin loomana ogolaan in maxkamad la geeyo wuxuna khatar ugu jiraa jirdil ama in lagu xadgudbo” ayaa lagu yiri bayaanka Amnesty ay maanta soo saartay.
Warar soo gaaray xafiiska Raxanreeb ee Nairobi ayaa sheegaya in Boqor Buur Madow eheladiisa ay ka raadiyeen xabsiyo ku yaalla Dubai iyo Rasel Kheimah balse ay ka waayeen taasoo walaac hor leh keentay.
Sanadihii u dambeeyey Boqor Buur Madow wuxuu ahaa dibad joog ka dib markii ay isku dheceen maamulka Axmed Siilaanyo oo uu Boqor Buur Madow si weyn u dhaliilay.
Boqor Buur Madow ayaa qeyb weyn ku lahaa nabadeyntii beelaha waqooyiga ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa waxgaradkii shirkii Burco ee 1992 ee nabadda deegaanada waqooyiga looga arinsanayey.