Baladweyne: (Sh. M. Network) Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne oo dhawaan ay la wareegtay dowladda kuwaasi oo kulamo la qaatay Saraakiisha halkaasi gacanta ku haya.
C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka diyaarad nooca Helicopter-ka ka raacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la tilmaamay in ay gaareen magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhiga ahna ra’iisul wasaare ku xigeen Xuseen Carab Ciise, wasiirka Warfaafinta C/qaadir Max’ed Xuseen (Jahween) iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, Maamulka Dooxada Shabelle iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Ethiopia oo dhawaan halkaasi kala wareegay Xarakada Al Shabaab.
Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay Jaamacadda Hiiraan University ee magaalada Baladweyne halkaasi oo la sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu kulamo kula qaatay Mas’uuliyiinta gacanta ku haya magaaladaasi.
Sababta C/wali iyo Wafdigiisa ay u gaareen magaalada Baladweyne ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si ay indha indheeyaan xaaladda magaalada islamarkaana wada hadalo ku saabsan xoojinta amaanka magaaladaasi ay ula qaataan Saraakiisha gacanta ku haya Baladweyne iyo in Al Shabaab laga saaro guud ahaan gobolka Hiiraan.
Waa markii ugu horaysay oo mudo ka badan hal sano Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay gaaraan magaalada Baladweyne waxii ka dambeeyay markii wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi oo ka tirsanaa Xukuumadii Sharma’arke lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Hoteel uu kaga sugnaa magaaladaasi.



