R/Gaas oo booqasho kadis ah ku tagay Baladwayne; AMISOM oo la wareegysa ganac ku haynta magaalada.
Fri, 06 Jan 2012 10:31:07 -0500 am -05:00 -18000
Baladwayne, Jan 06 - Ra'iisul-wasaaraha dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Booqashada oo ah mid naadir ah ayaa waxa ra'iisul-wasaaraha ku wehiliya xubno sar-sare oo isugu jira xukuumadda iyo ciidamada qalabka sida. Baladwayne oo ahayd meel ka mida xarumaha ay ugu xoogga badan yihiin kooxda Alshabaab ayaa waxa todobaadkan la wareegay ciidamo isku dhafan oo ka kala socda kuwa dawladda federaalka KMG ah iyo ciidamo-goboleedyo ka soo jeeda degaanka, kuwaas oo garab wayn ka helayay ciidamada Itoobiya.
Wafdiga ra'iisul-wasaaraha ayaa la filayaa in ay wadahadallo layeeshaan saraakiisha ciidamada ku sugan Baladwayne iyada oo ay xukuumadda Gaas dhowr jeer ku celcelisay in ay sugi doonaan qorsheyaal maamulna u samayn doonaan goobaha laga saaro kooxda Alshabaab.
Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Africa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Hiiraan ay maamulka magaalada ku wareejin doonaan ciidamo ka socda AMISOM. Lama sheegin xilliga uu isbaddalku dhici doono.
Baladwayne waa magalaadii ugu dambaysay ee kusoo wareegta gacanta dawladda tan iyo intii uu biloowday gulufka culus ee lagu ekkeeyay kooxda Alshabab oo tan iyo xilli dhawayd ka talin jirtay inta badan koonfurta Soomaaliya.
Diiwaanka wararka,
Daljir