Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Construction work Expands in Bosaso

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Construction work Expands in Bosaso

Postby Coeus » Fri Jan 06, 2012 8:38 pm

Image
Image
Image
Image

Waxaa magaalada Boosaaso todobaadkii 3-aad ka soconaya dayactir balaaran oo lagu wado qaar kamid ah wadooyinka waaweyn.

Mashaariicda wadooyinkan lagu dayactirayo oo ay dhowaan si wada jir ah u fureen maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa qayb ka ah barnaamijka horumarinta ee JPLG oo ka shaqeeyo 7-degmo oo Puntland ka tirsan.

Jidadka laga shaqeynayo oo ay tiradoodu 4 tahay ayaa waxaa hada gacanta lagu hayaa 2 kamid ah oo kala ah wadada isku xirta Airport-ka iyo xarunta dowlada hoose ee degmada, iyo wadada ka tagta suuqa caanaha ee aada dhinaca aqalka madaxtooyada.

Gaadiid waaweyn oo cagafyo iyo Rulers isugu jira iyo weliba shaqaale badan oo dayactirka wadooyinkaas ku howlan ayaa qaybo badan oo magaalada kamid ah lagu arki karaa, waxaana xusid mudan in howshani ay tahay mid Bulshada Boosaaso ku dhaqani ay si aad ah u soo dhoweysey.

Dhinaca kale waxaa si habsami leh u socda qorshe ay wadaan guddiga horumarinta degmada Boosaaso oo kaashanaya waxgaradka, iyo ganacsatada kuna aadan sidii wadooyinkan oo jid-cadeyaal siman laga dhigayo Laami loo saari lahaa, bulshaduna ay arintaas uga qayb qaadan lahaayeen, dhaqaalena looga uruurin lahaa.

13-kii bishii Dec ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2011 ayey ahayd markii ay magaalada Boosaaso ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu dhagax dhigayey 4-mashruuc oo lagu dayactirado 4-kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada Boosaaso dhex mara, waxaana la filayaa in marka dayactirka jidadkan lasoo gaba gabeeyo isbedel weyn laga dareemo isu socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha magaalada Boosaaso oo iyadu xudun u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga guud ahaan deegaanada Puntland.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa, Jabuutawi and 41 guests