Ciidamada Itoobiya oo xanibaad ku
soo rogay dhaq dhaqaaqii
siyaasadeed ee C/Fataax Xasan
Afrax ka waday Beledweyn
Ciidamada Itoobiya ayaa xanibay dhamaan
dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee uu ka waday
Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ninka
lagu magacaabo C/fataax Xasan Afrax oo
sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Maamul la
magac baxay Dooxada Shabelle.
Sida ay sheegayaan wararka Saraakiisha
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Beledweyn ayaa
ku amray C/fataax inuusan ka qeyb qaadan
karin shirarka siyaasadeed, in Idaacadaha uusan
la hadli karin iyo gebi ahaan inuu joojiyo dhaq
dhaqaaqyada uu ka wado Magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in
arrintan ay ka dambeysay
kadib markii 24- kii saac ee la
soo dhaafay Xildhibaano ka
tirsan Baarlamaanka oo la
kulmay Odayaal dhaqameedyo
oo ay kala hadleen arrimaha
ammaanka iyo sidii loo xoojin
lahaa ay ku gacan seyreen.
C/fataax Xasan Afrax ayaa
dhowaan sheegay inuusan ka
war heyn Xubno ka tirsan
Dowladda ama Xildhibaano ku
sugan Beledweyn, waxaana
khilaaf uu ka dhashay markii
Xildhibaanadii la socday
Ra’iisul Wasaaraha ee ku haray Beledweyn ay
diideen inay ammaankooda sugaan, balse
Ciidamada Itoobiya ay qaateen doorka lagu
sugayay ammaanka Xildhibaanada oo ilaa afar
gaaraya.
Kulan dhex maray Saraakiisha Itoobiya iyo C/
fataax galabta ayaa loogu sheegay in uusan
faraha la soo geli karin howlaha ka socda
Magaalada iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan,
iyadoo xiisada arrintan ka dhalatay ee is qab
qabsiga xaga maamulka ay sii xoogeysatay
markii Dowladda si cad u diiday inay aqoonsato
Maamulka Dooxada Shabelle.
Wararka qaar ayaa sheegaya in amarkan uu
yahay mid Dowladda dhankeeda ka socoto,
maadaama Ciidamada Itoobiya ay ku soo galeen
rabitaankeeda, isla markaana Maamulka
sheeganaya gacan ku heynta magaalada uusan
wax lug ah ku laheyn.
Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa dhowaan
sheegay in Ciidanka qabsaday Beledweyn ay
Ciidamo Itoobiyaan iyo kuw taabacsan
Dowladda KMG ay yihiin, balse aanay jirin
Maamul is magacaabay oo magaalada la
wareegay, hadii aan Ciidamada Itoobiya ahaan
laheyna laga saari laheyn magaalada Xarakada
Al-Shabaab oo muddo saddex sano ka
talineysay.
Axdi KMG ayaa dhigaya in labo gobol ka badan
ay sameysan karaan Maamul Goboleed, waana
sababta Ra’iisul Wasaaraha ku doodayo in
Maamul Goboleed Hiiraan ka jira in uusan jirin,
taasoo Ra’iisul Wasaaraha si cad Warbaahinta
uga sheegay.
Si kastaba ha ahaatee arrintan xayiraada loogu
soo rogay C/fataax Xasan Afrax ayaa ku soo
beegmeysa xilli maalmihii u dambeeyay uu is
qab qabsi xoog leh uu ka jiray arrinta Gobolka
Hiiraan, taasoo caqabad ku noqotay howl galka
Dowladda ka waday Goboladaas.
Xabashi slapping ina yeey
Xabashi arresting huraale
Xabasbi monitoring dabadhilif xasan afrax, other news said he was arrested.
Somali dabadhilifs will never learn from their mistakes.



