Saraakiil Ka Tirsan Booliiska Oo Maanta Tababar Loogu Furay Muqdisho
Sarkiil ka tirsan ciidamada booliiska ayaa maanta tababar socon doona muddo Sadex bilood ah looga furay dugsiga Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii furitaanka tababarkaasi oo ka dhacday dugsiga Gen Kaahiye ayaa waxaa ka qeybgalay wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha ahna kusumaha wasiirka C/xakiin Cige Guuleed, agaasimaha guud ee wasaaradda Bashiir Maxamed Jaamac, Taliayaha ciidamada booliiska S/guuto Shariif Sheekhunaa Maye iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliiska.
Saraakiisha tababarka loo furay ayaa ah 70 kuwaas oo muddo Sadex bilood ah qaadan doona tababar ciidan oo dheeraad ah iyadoo casharada ay bixin doonaan qubaro ciidan oo ka tirsan booliiska iyo Amisom.
Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa dhamaantood muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin tababarkan maanta loo furay saraakiisha booliiska ah iyagoo kula dardaarmay in ay ka faa’iideeystaan casharada iyo aqoonta ay tababarka ku qaadan doonaan.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirta sare u qaadida aqoonta iyo tayada ciidamada booliiska si ay ugu sahlanaato gudashada howlaha amaanka ee loo igmaday.