Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Plan B: Sharif hassan wants to destroy the Somali parliament

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Plan B: Sharif hassan wants to destroy the Somali parliament

Postby Coeus » Mon Jan 16, 2012 2:10 pm

Shariif Xasan oo xildhibaanada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dib u habeynta baarlamaanka

Image
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in looga baahan yahay xildhibaannada baarlamaanka inay ilaaliyaan sharciga dalka u dagsan ayna isku diyaarinayaan sidii isbedel loogu sameyn lahaa baarlamaanka.

Shariif Xasan oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay sheegeen sannadkii hore inay xilka ka qaadeen ayaa ku adkeysanaya inuu isagu yahay afhayeenka sharciga ah ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna xilka qaadistiisii ku tilmaamay mid ka fog sharciga.

"Xildhibaannada baarlamaanka waa inay ogolaadaan isbedelka dhacaya, haddii ay taaas ogolaadaan wax isqabsi ah oo dhacaya ma jiro," ayuu yiri Shariif Xasan oo intaas ku daray: "Waxaa jira xildhibaanno ku fikiraya inaanu isbedel dhicin, waana taas midda uu salka ku hayo khilaafka jira."

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xidhibaannada fowdada wada ay yihiin kuwo ka cararaya in dib u habeyn lagu sameeyo baarlamaanka, sidoo kalena aan doonayn in ummadda Soomaaliyeed ay fursad hesho.

"Beesha calaamku waa u jeedaa in xildhibaannadan ay yihiin kuwo diidan in laga gudbo xilligan, aniguna ma qabo in tani ay caalamka ku keeni karto niyad jab, waayo waxaa laga garan karaa go'aanka ay ka qaateen," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay ayuu sheegay inay tahay mid aan sharciga waafaqsanayn, isagoo xusay in markii xilka loo dooranayay si sharci ah lagu soo doortay, wuxuuna sheegay inaan lagu soo dooran si musuqmaasuq ah.

"Fadhiyada baarlamaanka waxay furmi lahaayeen 19-ka bishan, qolada fowdada wadda ayuu ka furmi waayay, hadda waxaa yaalla mooshin in laga doodo ay u baahan tahay dhawaan ayayna fadhiyadu furmi doonaan," ayuu mar kale yiri.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu imaanaya xilli ay xubnihii xilka ka qaaday ay guddoomiye cusub u doorteen horraantii bishan xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, inkastoo urur goboleedka IGAD uu doorashadaas ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Ugu dambeyn, Shariif Xasan wuxuu ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay ka shaqeeyaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafyada taagan, isla markaana uu baarlamaanku u noqon lahaa mid ka gudba khilaafyada hareeyay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 26 guests