Dagaalo culus oo caawa ka soconaaya Magaaladda Muqdisho iyo jugta cul culus oo si weyn looga maqlaayo caasimadda
Dagaalo culus ayaa waxay caawa ka soconayaan Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, waxaana soo qaaday Xoogaga Alqaacida oo si weyn uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamadda Amisom iyo jiritaanka Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Dagaalada caawa ka soconaaya Degmada Heliwaa oo mid culus ah, ayaa waxay labada dhinac isu adeegsanayaan qeybaha kala duwan ee hubka, waxayna yihiin kuwo jugtooda si weyn looga maqlaayo dacalada caasimadda.
Dagaaladaan ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay khasaarooyin kala duwaan ka soo kala gaarayaan dhinacyada isu haaya gacan ku heynta Magaaladda Muqdisho, waxayna daba-socdaan dagaalada habeenadii ugu dambeysay ka sii soconaayay Magaaladda Muqdisho.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalo kaloo goos goos ah ay ka soconayaan duleedka Degmada Karaan, isla-markaana dagaaladaasi ayaa yimid markii ay soo qaadeen Xoogaga Alqaacida , oo ka yimid wadada aadda Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Amisom ay madaafiic xoogan ku tuurayaan aagaga ay weerarada ka soo qaadeen Xoogaga Alqaacida, lamana oga inay wax-yeelo ka soo gaareyso iyo in kale.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al-Qaacidada Soomaliya Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ku goodiyay inay sii wadi doonaan dagaalada ay ka geysanayaan qeybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho, sida uu yiri.



