Page 1 of 1

Somalia's Health minister meets with health professionals

Posted: Sat Feb 11, 2012 10:31 am
by Coeus
Image
Image
Image

Wasaaradda caafimaadka ayaa maanta kulan la qaadatay hey’addaha caafimaadka iyo kuwa NGO-da ah ee ka howlgala Muqdisho kaas oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta adeegyada caafimaadka Bulshada.

Kulankaasi oo ka dhacay xafiiska wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiillo ka kala socday hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa NGO-yada ah ee ka shaqeeya caafimaadka, howlwadeenno caafimaad iyo dhaqaatiirta ka howlgasha cisbitaallada Muqdisho, waxaana ugu horreyntii halkaasi ka hadlay wasiirka caafimaadka C/casiis Sheekh Yuusuf oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada Kulanka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay ahmiyad siineeyso horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in wasaaraddu ay wadashaqeyn la yeelato hey’addaha ka shaqeeya caafimaadka dalka.

Intaasi kadib waxaa la gudagalay in laga doodo ajandaha shirka oo ku saabsanaa sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta adeegyada caafimaadka bulshada iyadoo ka qeybgalayaashu ay halkaasi ka dhiibteen fikaro kala duwan oo ku aadan sidii loo horumarin lahaa caafimaadka bulshada iyo doorka wasaaradda kaga aadan arintaasi.

Waa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee wasaaraddu la yeelato bahda caafimaadka tan iyo markii uu xilka qabtay wasiirka C/casiis Sheekh Yuusuf waxeyna arintani qeyb ka tahay dadaallada ay wasaaraddu ugu jirto horumarinta caafimaadka dalka.