













Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta kormeeray dugsigii farsamada gacanta ee Buulo Tikniko oo si rasmi ah uu uga bilaabanayo howllo dib u dhis ah howshaas oo uu Madaxweynuhu kala hadlay Injineerro u dhashay walaalaha Turkiga ayadoo dhanka kalena uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhagax dhigay Wadada General Daa’uud halkaas oo howlo dayactir ah uu ka bilowday.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda,taliyeyaasha Ciidammada qaarkood iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kormeeray howlo dib u dhis ah oo ka soconaya degmada Yaaqshiid halkaasi oo dadweyne farabadan ay kusoo dhaweeyeen.



