Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, ayaa waxay la-wareegeen Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.
Saraakiisha iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo isaga baxay Magaaladda Baydhabo, ayaa waxay taasi keentay inay Magaaladda Baydhabo si diiran kula wareegaan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, oo ay horkacayaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin Saldhiga weyn ee Magaaladda Baydhabo, waxayna halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo, iyadoo ay dadka ugu baaqayaan inay isdejiyaan.
Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay iyagana xilligaan ku sugan yihiin Xaafadda Buula Jameeco ee Magaaladda Baydhabo, isla-markaana majirto cid ay wax-yeelo u geysteen, waxayna yihiin kuwo feejignaan muujinaaya.
Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ayaan wax dagaalo ah kala kulmin Xoogaga Shabaab, oo saacado kahor ku baaqaayay inay dagaalami doonaan, ayna shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ka dalbanayaan inay dagaalamaan.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ayaa waxay yihiin kuwo qaba dareen cabsiyadeed, iyagoo baqdin ka muujinaaya Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab-sanaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo iminka la-wareegay Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya C/Fataax Maxamed Ibraahim “Geesey”, ayaa wuxuu sheegay inay shacabka ka dalbanayaan inay muujiyaan deganaansho, isla-markaana wuxuu sheegay inaysan wax dhibaato ah u geysan doonin shacabka.
Sidoo kale Ciidamadda Dowladda ayaa wuxuu ugu yeeray inaysan wax dhibaato ah geysan, isagoo sheegay askari walba oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dhibaato u geysta shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo amaba boob ku dhaqaaqa, inay goobtaasi ku toogan doonto Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, oo Saraakiil ka socdo ay la-socdaan Ciidamadda Dowladda.
Xarakada Al Shabaab oo isaga baxday Magaaladda Baydhabo ayaa waxay ka baxeyn dhinaca Deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay, isla-markaana waxaa jira qaar ka tirsan Saraakiisha Shabaab oo iyana ka baxay dhinaca Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
kedis114@hotmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com





