Shabab takes Dhusamareb; Ahlu Sunnah gurmad retakes it
Posted: Tue Mar 20, 2012 4:46 am
Little bit after Godane spoke about the Turks and said Shabab is a force, they did a surprise attack on Dhusa-mareb and took it. Ahlu Sunnah forces from Guri-ceel, Xeraale, and mostly Caabudwaaq retook it immediately
Dagaal Hada Kasocda Dhuusa Mareeb
Daafeet.com(Muqdisho)Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobalka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal u kasocdo Magaaladaasi kaasi oo udhaxeeya Maamulka Ururka Ahlusuna iyo sido kale Ururka Alshabaab oo halkaasi weerar ku qaaday
Dagalka ayaa ah mid hada ka dhaxsocda gudaha Magaalada Dhuusamareeb iyadoona labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub kala duwan
Alshabaab ayaa weerarka dagaalka waxa ay ku qadeen dhuuso mareeb waqtiga xalay marka uu ahaa 4:00 habeenimo
Lama ogaan karo qasaaraha ka dhasha Dagaalka laakin wararku waxa ay tilmaamayaan in Magaalada gudaheeda dadkii kunoola halkaasi ay isaga barakaceen kuwaas oo ubaxsaday Dhanka Magaalooyinka kale
Dagaalka hada waxa uu kasocdaa Magaalada Dhuusamareeb gudaheeda Ahlasuna ayaa wararku waxa ay sheegayaan in gurmad ciidan uu uga yimid dhanka Magaalada Caabudwaaq
Alshabaab ayaa la sheegay in ay iyaguna wateen ciidan aad ufara badan kuwaasi oo usuura gashay in ay galaan guadah magaalada dhuusa mareeb
Dagaalka xoogiisa ayaa hada waxa uu kasocdaa xaafada waaberi oo katirsan magaalada dhusamareeb
Ma,aha markii ugu horaysay ee Alshabaab ay weerar ku qaadaan Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobalka Galgaduud
http://daafeet.com/index.php?news=5096