Boqolaal Ciidamada Itoobiya ka tirsan oo gaaray degmada Dhuuso-Mareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud
Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Boqolaal ciidamada Itoobiya ah oo ku hubeysan gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna Waljamaaca, balse ay dhowr jeer oo hore qabsatay Al-shabaab oo ka taliya degmooyin ka tirsan gobolkaas.
Ciidamada ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inay qorsheynayaan inay duulaan ku yihiin degmada Ceelbuur oo 100-km dhinaca bari ka xigta xarunta gobolka oo ay ka taliso Al-shabaab.
"Ciidammo Itoobiya ah oo wata ugu yaraan 50-gaadiidka dagaalka ah ayaa galay degmada Dhuuso-Mareeb aroortii. Waxaana la sheegay inay ku wajahan yihiin Ceel-buur oo ah saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay gobolka Galguduud," ayuu yiri Cabdillaahi Axmed oo ka mid ah waxgaradka degmada Dhuuso-Mareeb.
Taliyaha ciidamada Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Aadan Farey ayaa sheegay in xoogaggooda ku sugan gooblka ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan ciidamada Itoobiya.
"Calooshood u shaqeystayaasha masiixiyiinta ah ee ka yimid Itoobiya waxay soo galeen degmada Dhuuso-Mareeb. Si kasta oo oo ay isku soo diyaariyeen waa mid naga go'an inaan garaacno," ayuu Sheekh Farey u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa horay u qabsaday degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo Xudur oo dhammaantood ahaa saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.
Xoogagga Al-shabaab ayaa waxay wajahayaan aagag fara badan oo kaga furmay gobolladii ay markii hore sida nabadda ah uga talin jirtay, iyadoo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin gobollada Koonfureed halkaasna ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Toddobaadkii hore ayay xoogagga Al-shabaab qabsadeen degmada Dhuusomareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud halkasoo ay ay saacado ku sugnaayeen xoogaggooda, inkastoo markii dambe ay uga baxeen dagaal ay la galeen ciidammo Ahlusunna ka tirsan oo ka kala yimid degmooyinka ay gobolkaas kaga sugan yihiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya