Page 1 of 1

Madaxda deegaanka Somalida Tacsi diray Shacabka Soomaaliyeed

Posted: Sun Mar 25, 2012 12:46 pm
by FBISOMALIA
Image

Jigjiga: (pp)- Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida ee Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo shir jaraa’id oo ay u dhamaayeen dhammaan saxaafada Deegaanku ku qabtay maanta xafiiskiisa ayaa tacsi tiiraanyo leh diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Cabdulaahi Yuusuf oo ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta .

Caruurtii,Qoyskii,Ehelkii iyo dhamaanba ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Madaxweyne Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed, waxaana leeyahay samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo dhammaanteen ,marxuumkana ilaahay janadii fardowsa ha ka waraabiyo” .

Marxuum C/laahi Yuusuf ayaa Taariikh iyo Magac weynba ku lahaa Dawladii Burburtay ee Soomaaliya,Shacabka Soomaalida Dhexdeeda,Caalamka iyo Dalka Itoobiyaba.

Waxaa kale oo xusid mudan in Saaxafada kala duwan ee dalka Federaalka Ethiopia lagu soo qaatay Taariikhda madaxweyne C/llaahi Yuusuf , waxaana kale oo dowlada Federaalka Ethiopia ay maalinkii shalay warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska raiisal wasaaraha Ethiopia ugu tacsiyeysay madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo qoyskii uu ka baxay.

Waxaa kaloo warsaxaafadeed loogu tacsiyeynayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya warbaahiyaha Puntlandpost soo gaarsiiyey Ururka midowga Afrika xarruntiisa ee ku taala magaalada Addis ababa, Wakiilka soomaaliya u fadhiya QM soomaaliya iyo kuwo kale.

Daabacaadda: Puntlandpost.com

Re: Madaxda deegaanka Somalida Tacsi diray Shacabka Soomaali

Posted: Sun Mar 25, 2012 12:51 pm
by Xaaji_Xundjuf
Stop making 100 topics about the man. It's over, he's in Allah's hands now.

Instead of this meaningless topic and the one about safaaradaha, you should have merged its contents. You can't read these long articles.

Re: Madaxda deegaanka Somalida Tacsi diray Shacabka Soomaali

Posted: Sun Mar 25, 2012 3:11 pm
by maryandagan
u stop following fbi's thread :-@ :-@ :-@