Gaalkacyo(Pi) Waxaa xaqiiq ah in Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo yahay mid ka dhexeeya Gobolka oo idil, Alla ha unaxariistee Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa halyeygii ka dambeeyey ín Beesha degta xaafada Baraxlay ay maanta si nabad ah oo waliba sadbursi ah ay ku deganaadaan Gaalkacyo, lakiin hogaan xumada haysata shacabkaasi waxay horseedi kartaa in lagu kala laabto meeshii laka deganaa intaan heshiiskaas lawada saxiixin.
Hogaamiye Caalim oo iminka u muuqda mid ceebtisii soo baxday wuxuu hilmaamay in Markuu Garoonka Gaalkacyo uu ka dhoofayo ay soo galbiyaan Ciidanka Amaanka Puntland, wuxuu hilmaamay in Garoonak Diyaaradaha yahay Hanti Puntland, wuxuu hilmaamay in shacabka Gaalkacyo ay yihiin kuwa isaga dhow Soomalida kale lakiin hogaan xumadiisu kala fogayn karto.
Sida aan xog hoose ku hayno alla ha unaxariistee Cabdullahi yusuf iyo Madaxweyne Faroole waxay dhowr jeer kawada hadleen Heshiiskii ay Puntland la saxiixatay Caydiid, Marxuum Cabdullahi wuxuu ku adkeeyey Madaxweyne Faroole in la ilaaliyo heshiiskaas loona daneeyo labada shacab, laakiin dhismaha Puntland waxaa ku nafwaayay halyeeyo badan ilaalinteeduna waa muqadas, taas way ka mideysnaayeen Cabdullahi iyo Faroole.
Alla ha u naxariisto Cabdullahi Yusuf hada wuu tagay , Talada Puntland waxaa haya nin uu Caalim si fiican u yaqaan miyuu hilmaamay taas.
Gaalkacyo ma ahan magaalo kala qaybsan waa magaalo lix xaafadood ah, shan kamid ah oo u dhiganta 90% waxaa gacanta ku haya Puntland, Dulqaadka Dadkaas iyo hogaamiyayaashoodu waxay muujinaysaa wada dagaansha la wada dagan yahay in lagu degan yahay Cabdullahi Yusuf fikirkiisii ahaa in lawda daganaado. dhinac kale hadaan idiinku bayaamiyo sidee bay kula tahay inay Gaalkacyo noqon lahayd hadii Maxamed Axmed Caalim uu hogaamin lahaa 90% magaalada halka uu maanta ka hogaansho 10%, sideese ugu noolaan lahaayeen Reer Puntland darisnimadaas.
Allow xafid Madaxweyne Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa nin ka fakara Soomaali wayn oo idil… AAAmiin.




