Xassan Dahir Aways denounces union of Al-shabab with Al-qaida
http://shabelle.net/2012/03/31/xasan...cida-dhageyso/
Xasan Daahir oo ka soo horjeestay fikirka Al Shabaab iyo Al qaacida ( Dhageyso)
Shabelle Media Network March 31, 2012 Comments Off
Muqdisho: (Sh.M.Network) - Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa ka soo horjeestay fikirka Xarakada Al Shabaab isagoo ku baaqay in aan dadka lagu gumeysan shaarka Al Qaacida. Xasan Daahir oo shalay ka hadlayay Masjid kuyaala Duleedka Magaalada Muqdisho kadib salaadii Jimcaha ayaa waxa uu qudbadiisa uga hadlay dhowr waxyaabood oo uu sheegay in ay haboontahay in isagu uu diirka ka qaado maadaama sida uu sheegay dadka kale ay ka cabsanayaan in ay arimahaasi ka hadlaan. Sheekh Xasan ayaa ugu horeyn waxa uu ka hadlay bayaan dhawaan ka soo baxay xarakada Al Shabaab kaasi oo uu sheegay in uu ka soo horjeedo, xiligaana aan loo baahneyn in Jihaadka la siyaasadeeyo oo qofkii ka horyimaada la qaarijiyo. Sheekh waxa uu dib ugu laabtay xili uu sheegay in muslimiinta Caalamka ay raadinayeen in ay soo celiyaan Jameecal Islaamiya, markaasi oo uu xusay in ay sameysmeen xarakaaad badan balse Xasan waxa uu is weydiiyay Culumadii xiligaasi jirat in ay gaaleysiin jireen oo ay dili jireen dadka ka horyimaada. Waxa uu sheegay in inta arintaasi raadinteeda lagu guda jiray ay jireen jameecooyin badan oo isku dayay in ay ku dhawaaqaan in ay iyagu yihiin Jameecal muslimiin balse laga hor istaagay laguna wargaliyay in ay ka midyihiin oo kaliya balse aysan kaligood hogaamin karin. Xasan Daahir ayaa sheegay in qof kasta ama xarakaad kasta cida ay doonto heshiis ay la gali karto balse waxa uu diiday in aysan jirin heshiis caalami ah oo muslimiinta oo dhan ay wada gaareen, waxaana uu carabka ku dhuftay in haatan ay jiraan xarakaad isku gali yeelaya arintaasi oo uu tilmaamay in ay ku baneysanayaan dadka dhiigooda taasina ay tahay sababta ku kaliftay in uu arintaani uga hadlo.
Warkaasi war dhahan, ma’ahan, dadaalkaani waan ku wada jirnaa laakiin qof gaar ah inta uu shaar gashto dadka yaan lagu waxyeeleyn, iyada oo uu shaarkaasi wali sameysneyn, yaana lagu dilin dadka” ayuu yiri Xasan Daahir. Waxa uu dhinaca kale sheegay in jihaadka lagu jiro haatan uu yahay mid dadka oo dhan laga doonayo balse waxa uu meesha ka saaray in qolo galikood ay isku gali yeelaan Jihaadka cidii ka soo horjeesatana ay awood u adeegsadaan ama ay dilaan. Qudbadda Xasan Daahir Dhageyso adiga ayaa ka sii boqon doonee.





