new card: beelaha kablalax oo kulmay
Posted: Wed Apr 11, 2012 5:02 am
Kn:Waxaa maalinnimadii Axadda Ahayd, April 08, 2012 ku shiray magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka Jaaliydaha Absame & Adeerkow iyo Jaaliyada Harti ee North America.
Labada jaaliyadood waxay ka wada hadleen sidii dhidibada loogu aasi lahaa maamul-goboleed sal balaadhan oo ka hanaqaada Gobolada Jubbooyinka. Jaalidahan oo tafaahum iyo is afgarad wanaagsan uu u dhexeeyo ayaan wakhti badan ku lumin isla meeldhigidaa meesha hawshaas laga bilaabi lahaa, waxayna markiiba iska qabteen Gudi wada jir ah si loo dardargaliyo, loogana midho dhaliyo arimahan xasaasiga ah.
Sidoo kale, waxay Guurtidu isku afgaratay qodobo door ah oo ay kamid ahaayeen;
•Braarujinta Shacabka deegaanka ee 2da beelood ee walaalaha ah ee jooga dibadaha iyo wacyi galintooda sida ugu dhakhsaha badan.
•Shir wadaag lajoogteeyo 2dii usbuuba mar.
•Shirwayne Qado ah oo la isugu yimaado April 25, 2012 (Minneapolis, MN USA.
•Taageero buuxda oo lasiiyay Ciidanka Jubooyinka ka halgamaya ee ku hawlan xoraynta Shacabka Jubooyinka. Waxaa kaloo loo diray dhambaal wadajir ah oo Tahniyad ah Madaxda Maamulka Raaskambooni ee Hogaanka ka ah Cutubyada dagaalka xaqa kula jira Argagixisada Al Shabaab.
•Shirarka Kabilowday Nairobi, Kenya iyo Kuwada Addis Ababa, Ethiopia in si wadajir ah looga qaybgalo.
•In loo yeero ergooyinkii kale ee dadka degaanka ku weheliya 2dan beelood si loo dadajiyo Abaabul lagu dadajiyo Shirwaynaha waynee Afmadow Kadhici doona Bilowga May hadii Eebe idmo ee lagu dhisayo Dawlad Ismaamul Goboleed Jubooyinka ka dhaca.
Qaar kamid ah magacyada Guurtida labada Beelood ee kulmay:
Cabdullahi Axmed Kheyr oo ah wakiilka Boqorka ee North America
Aadan Dhaqax Dhigicdhigic
Col. Cabdullahi Cilmooge
Garaad Cali Sonkor
Sayidka iyo Guurti kalebee



