SMH i feel sorry for puntland
Mid ka mid ah saraakiisha Sarsare ee Al-shabaab oo tagay Buuraha Galgala fariinna u diray Shacabka Puntland
Jimco, Abriil 13, 2012 (HOL) — Sheekh C/qaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Al-shabaab ayaa gaaray buuraleyda Galgala ee Puntland, isagoo halkaas ka jeediyay fariin uu u dirayay shacabka ku nool Puntland.
Wadaadkan oo dhinaca dacwada u qaabisanaa Al-shabaab ayaan la ogeyn halka uu maray waxaana ku wehlinayay safarkiisa ciidammo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo deegaannada Puntland uu gaaro sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.
"Shacabka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay la dagaalamaan xukuumadooda," ayuu hadalkias ku yiri Sheekh C/qaadir Muumin oo ku sifeeyay maamulka Puntland mid la shaqeynaya gaalada, dhibaatana ku haya muslimiinta.
Xoogagga ku jira buuraleyda Golis ayaa waxay ku dhawaaqeen bil ka hor inay la midoobeen Al-shabaab, iyagoo Al-shabaab ay aad u soo dhaweysay arrintaas kuna timaantay mid geesinimo ah.
Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Al-shabaab ay u soo guureen dhinaca Puntland kaddib markii cadaadisyo ay kala kulmeen ciidamada AMISOM, kuwa Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa iyaguna taas xaqiijiyay, waxayna sheegeen in Al-shabaab ay kula dagaalami doonaan meel kasta oo ka mid ah ciidda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya



